Abwaan Xasan Ganay Oo Soo Bandhigay Hab Dhaqan Aanu Jeclaysan Oo Uu Ku Arkay Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo


(Hadhwanaagnews) Tuesday, January 10, 2017 21:52:57
Abwaan Xasan Ganay Oo Soo Bandhigay Hab Dhaqan Aanu Jeclaysan Oo Uu Ku Arkay Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(HWN):-Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi(Xasan Ganay) oo ka mid ah abwaanada waa weyn ee somaliland ayaa saluug badan ka muujiyey hab dhaqanka wasiirada xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

Abwaan Xasan Ganay oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo qaar ka mid abwaanadu ku qabteen Hargeysa ayaa wasiirada xukuumada ku waaniyey inay xafiisyadooda fadhiyaan wakhtiyada madaxweynuhu safarka u baxayo ama ka soo dagayo.

Abwaan Xasan Ganay oo ka hadlaya hab dhaqanka nidaamka dawladnimada ka hor imanaya ee uga muuqday xubnaha golaha wasiirada  xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi “Marka la yidhaahdo Madaxweynahaa Safar u baxaya, Wasiirradu way hor-yaaci DIG..DIG..DIG, way sul-daari baan is idhaahdaa Madaxweynaha oo




Af-weyntuu goosan. Dhagax Kiiloo leeg ayay Afartan Gacmood isugu imanayaan, wuu soo gelayaa oo way soo hor-yaacayaan, Walaalayaal Xafiisyada taga oo Ummadda u shaqeeya oo umadiina matala” ayuu yidhi Abwaan Xasan-genay.

Xubnaha golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa marar badan hore loogu dhaliilay inay xafiisyadooda soo faaruqiyaan wakhtiyada madaxweynuhu dhoofayo ama soo dagayo, taas oo dadweynuhu hadyo goor dhibaato kala kulmaan.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.