Laanta Bariga London ee Xisbiga Waddani oo Xaflad Sagootin ah u Samaysay Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani,Guddida Cusub ee Laanta oo Kal Fadhigii u horeeyay isugu Timi.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 01:41:29
Casho Sharaf lagu sagootinayay Gudoomiye K/Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Mudane Cosmaan Aw Aadan oo ka mid ah Akaadirka Xisbiga Waddani

Laanta Bariga London ee Xisbiga Waddani oo Xaflad Sagootin ah u Samaysay Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani,Guddida Cusub ee Laanta oo Kal Fadhigii u horeeyay isugu Timi.

Casho Sharaf lagu sagootinayay Gudoomiye K/Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Mudane Cosmaan Aw Aadan oo ka mid ah Akaadirka Xisbiga Waddani ayaa lagu Qabtay Xaafadda Whitechaple ee Bariga Magaalada London,taas oo ay soo qaban qaabiyeen Guddida Laanta Bariga London.

Xafladdan ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa oo iyana ka soo qayb galay Masuuliyiinta Qaaradda Yurub,sida Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Qaaradda Yurub oo iyana si Mugleh usii Sagootiyay Mudane Cosmaan oo ahaa Gudoomiyihii Hore ee Qaaradda Yurub.

Geesta kale Guddida Cusub ee Dhawaanta la magacaabayee Bariga Magaalada London




ayaa Kalfadhigeedii u horeeyay ku kulantay,iyada oo si quto dheer Guddidu usoo bandhigtay barnaamijyadeeda wax qabad ee u qorshaysan in ay ku talaabsato Sadexda Bilood ee inagu soo wajahan,iyaga oo waliba shaaca ka qaaday in ay todobaadyada soo socda ay kusoo biirayaan Xubno Tiro bidan oo doonaya in ay Cududooda ku biiriyaan Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Mudane Cosmaan Aw Aadan ayaa Waano,Talo,Hanbalyo iyo Guubaabo usoo jeediyay Guddida Cusub ee Laanta Bariga London,waxana uu ku nuuxnuuxsaday Wax qabadka iyo kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto Laanta Bariga London oo iyadu Xiliyadii u danbeeyay ku talaabsanaysay Guulo is daba joog ah iyo Horumar Baaxad leh.

Ugu danbayntii kulan ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad iyo aad u wanaagsan.

Hadhwanaagnews London.
 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.