Muuse Biixi Raaligeliin Ha Ka Bixiyo Wararkii Been Abuurka Ahaa Sidaa Wargeyska Star Kenya


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 07:25:00
Waa nasiib darro iyo masuuliyad darro ta ugu weyn in nin raba in uu xukunka dalka

Waxaynu la wada soconaa in uu dhawaan wargeys ka soo baxa dalka kenya soo gudniyay qoraal macmal ah oo been abuur laysku soo kabkabay sawiro aan islahayn ayaa isagu ka dib baadhitaan mudo qaatay raaligelin ka bixiyay warkaas oo ay cadaatay in uu been abuur ahaa soona gudbiyeen shakhsiyaad ku abtirsada xisbiga Kulmiye kuwaas oo u adeegsaday qaybta xayaysiiska

Hadaba muwaadin waxaa looga fadhiyaa xisbiga Kulmiye siiba musharaxiisa Muuse Biixi ee isda indho adayga ahayd ku tiraabayay in wararkaasi dhab yihiin in uu raaligelin buuxda siiyo hogaanka xisbiga Waddani iyo weliba shacbiweynaha Somaliland ee uu beenta cad la soo hor fadhiistay isaga oo og ugana dan lahaa




in uu beelo ka tirsan Somaliland ku shaambadeeyo Somaliweyn sidii aynu joogno badhtamihii sagaashanaadkii ee uu calanka Somalia Dumbuluq sudhi jiray

Waa nasiib darro iyo masuuliyad darro ta ugu weyn in nin raba in uu xukunka dalka qabsado adeegsanayo been iyo warar macmal ah si uu isaga hor keeno bulshada walaalaha ah ee Somaliland

Waxaan kaloo kula talin lahaa madaxda xisbiga Waddani inay maxkamad la tiigsadaan musharaxa Kulmiye madaama uu been ka sheegay madaxda xisbiga tiina beenowday anigu garan maayo foolxumo ka weyn in uu ummada la soo hor fadhiisto been intaaleeg'e

 

Daahir Sancaani <dsancaani88@gmail.com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.