Mar-Kordhis-Abaareed


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 10:20:51
Masiibadaa Alla makeenee hadaan maanta laga moosan Midey ku socotaa waa Mareykankaa majare xumo darteed mugdi

Ayadoo mar kale loo kor dhiyey oo mowdku sii qaatey
Oo waa musiibee muquuniska mid gaaban kursiga loo maqaar saarey 
Oo Mulkiilaha ninkii meesha rabey muusanow dibada meeraayo
Oo munsharaxnimo ragii ku meernaa meelo kale aadey 
Ooy mar qudha kala baxdoo macangagnimo Reero laysu maagaayo




style="color: rgb(0, 0, 0); font-family: Verdana; font-size: x-small;" /> Oo milikhsi gaadmada Kilirkaa 5aad iyo Wabar Awdal maamulkeed yeeshay 
Marqudha ukaadiya Madaxweynihii baan ahee Saylici meesha laga waayo
Masiibadaa Alla makeenee hadaan maanta laga moosan
Midey ku socotaa waa Mareykankaa majare xumo darteed mugdi kusii gudaya
Midhey tahayba muuqaal aduun meeshuu marayaa waa maalmo dabadiiye
Ha maleysan waxyiga muhindis iyo manaamka meel fog laga eegey
Maantey haboon tahay in marin habowshaha lagala maagaaye 
Masuul iyo wax garad, Marwo fiiro dheer iyo intuu Mawle garansiiyo 
Mar haloo guntado Qaran intii maali jirtey madaxa goyneyso

By Sociologist Siciid Ciise Ileeye

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.