Maxaa Ka Jira Iscasilaaada Maareeye Ku Xigeenkii Dekada Berbera iyo Muranka U Dhexyaala Maareeye Axmed Yuusuf


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 11:12:04
Maareeye Ku Xigeenkii oo Ashkato Ugu Maqan Madaxtooyada Somaliland

 

Maalmihii u Danbeeyay Ayaa Waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Aqoonyahan Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan,

Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana Tibaaxay In Xiligan Maareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,

Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo Baxay Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah, Xiligasi Waxaa Debada Usoo baxday Sida Aanu warka Ku Hellnay Ku takrifal balaadhan oo Lacageed oo Maareeye Ku Xigeenku Si Qaldan  Uga Saaray Qasnada Dekada, Xataa Mareeye Ku Xigeenku Xiligaa Lacag $80,000 oo Doolara Ayaa Sida wararka Lagu Hellay Uu




Ku Iibsaday baabuur Lanckuruser oo Uu Illaa Iminka Wato Iyadoo aan Wali  Lagu  dhajin nambarkii GT Ahaa ee dawlada,

Murankan Ayaa waqtigaa Waxa Dhexgalay oo Dhameeyay Rag mudakar ah oo Reer Berbera Ah,

Hadaba wararka u Danbeeyay ee Sadexdii Casho ee u Danbayasay Debada Usoo Baxay  Ayaa Iftiimyayay in Markale Uusoo Laba kacleeyay Murankii Labada Mareeye Ee Dekada Berbera Waxaana Wararka Qaarkood Sheeegayaan in uu ISCASILAY Mareeye Ku Xigeenkii Dekada Berbera Cabdi Cabdilaahi Laakiin Mar aanu Saaka Xilli Hore ku waraysanay Telofanka HWN Wuuxuu Sheegay In Aanu Iscasilin Ee Uu hawlo Shaqo u Joogo Hargaysa,

Wararka kale Ee Laga Hellayo Dekada berbera Ayaa Sheegaya in Si Kumeel Gaadha Shaqadii Maareeye Ku Xigeenka Dekada Berbera uu Xiligan Usii Hayo Sarkaal sare oo ka Tirsan Dekada Berbera oo Mgaciisu Yahay Siciid Aadan Diiriye, Mar aan Saaka Isku daynay In aanu Wax ka waydiino Arinkana Maareeye Axmed Yuusuf Dirir Waynoo Suura Gali wayday, Xafiiskana waanu ka waynay Telofankiisuna Mashquul Ayuu Kabixi Waayay Wixii

Warara Kasoo Kordha Arinkaasi Lasoco Saacadaha Soo Socda

 

Hadhwanaag News Berbera




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.