Doorashada Hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Socota Maanta


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 12:05:12
Hoos Kaga Bogo Warkan Oo Faah-faahsan

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka socota doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka ayaa dooranaya guddoonka aqalka ee baarlamaanka.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in beri ay dhacdo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.

 Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa kala ah Xildhibaan Max'ed Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan C/rashiid Max'ed Xidig, Cabdifitaax Geeseey iyo Idriis Axmed.

Musharaxiintaasi ayaa ayaa maalmihii la soo dhaafay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleeysan lahaayeen Kursigan.

Qofka guuleysanaya waa inuu helaa seddax dalool laba dalool codadka xubnaha baarlamaanka




si uu u noqdo guddoomiye rasmi ah.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay soo doortaan madaxweyne isbuucyada soo socdo.

BBC-Somali

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.