Madaxwaynaha Galmudug Oo Bulshadda Ku Dhaqan Cadaado Ku Mudaharaadeen Iyaga Oo Tageersan Xilka Qaadista Lagu Sameeyay.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 11, 2017 13:45:30
Halkan Kaga Boggo Warkaas

Hargaysa(HWN)Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa goor dhawayd ka degay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed, Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlada iyo AMISOM iyo dad aan sidaa u tiro badneyn.



Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha la socday ayaa tagay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxa ayna halkaasi kulamo kula leeyahay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada Cadaado.

Dhinaca kale dibadax looga soo horjeeday Cabdi Kariin Xuseen laguna taageerayay xil kaqaadistii Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah





magaalada Cadaado.

Dibadaxa waxaa soo qaban qaabiyay shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado kuwaas oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Xilkii laga qaaday madaxweynaha Galmudug, waxa ayna bogaadiyeen go'aankii ay gaareen baarlamaanka Galmudug.

Ugu danbeyntii, magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa xiisad siyaasad oo ka dhax aloosan Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo hogaanka sare ee maamulkaasi, C/Kariin Guuleed ayaan iska diiday xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.