Trump Oo Ku Cambaareeyay Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka Eedeeymaha Sirta Uu Ka Helay Ruushku.


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 06:22:45
Sirdoonka Maraykanka ayaa hore ugu soo bandhigay arrimahan Obama iyo Trump.

Hargeisa (HWN) Madaxwaynaha Ladoortay  ee Maraykanka oo qabtay  shir jara’id   ayaa waxa uu  kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin  edeeymaha ay u soo jeediyeen in Ruushka helay arrimo xasaasi ah oo xidhiidh la leh shakhsiyadda gaarka ah ee Donald Trump.

Warbixintan kusaabsan Tramp ayaa sirdoonka Maraykanku  ku tilmaamay in Sirdooka Ruushku ay hayaan siro xasasi ah oo ah muuqaal kusaabsan nolosha gaarka ah  ee Madaxwaynaha Ladoortay ee Maraykanka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa hore ugu soo bandhigay arrimahan  Obama iyo Trump.

Mr Trump  ayaa sidoo kale  markii u horeysay aqbalay in Ruushku  ku lug lahaa eedeymaha  loosoojeediyay ee kusaabsan weerarkii lagu qaaday  doorashada Maraykanka.

 

Hadhwanag News

Hargeisa Office

Source : BBC



World Service




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.