Ha La Ixtiraamo Qodobada Dastuurka Qaranka Ee 83aad Farqadiisa 5aad Iyo 18aad Farqadiisa 2aad Oo Doorashadu Ha Qabsoonto Wakhtigii Loo Cayimay 28/03/2017.


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 07:14:21
Balse waxa xusid mudan oo fajaciso iyo la yaab ku noqotay Bulshada

Waxa amaan iyo sharash mudan Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo todobaadkan horaantiisii kulan la yeeshey 3dexda Xisbi Qaran ee Dalka, halkaasna ku siiyey warbixin la xidhiidha gabagabada iyo dhamaystirka hawlaha doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenka Madaxweynha, iyagoo cadeeyey in ay doorashadu qobsoomi doonto wakhtigii loo cayimay 28/03/2017 maadaama aanay jirin dhinacooga wax qabyo ah iyo wax iska bedeley toona, taas oo ahayd nuxurka kulanka. Sidoo kale waxa ay si guud mar ah uga warbixiyeennatiijada daraasad ay ku sameeyeen xaalada abaarta baahsan ee dalka ka jirta wakhtigan xaadirka ah.

Balse waxa xusid mudan oo fajaciso iyo la yaab ku noqotay Bulshada Somaliland qaylodhaanta iyo dhawaaqa sida fiinta uga soo yeedhey Xibiyada




Mucaaradka oo la filayey in ay soo dhoweeyaan oo ku boogaadiyaan Guddida Dorashooyinka Qaranka wax qabadkooda iyo dedaalka dhamaystirka hawlaha doorashada balseaan looga fadhiyin in ay ku baaqaan oo bulshada ku jaha wareeriyaan arimo siyaasadeed oo aan looga fadhiyin oo xil iyo waajib ka saran aanu jirin, sida in doorashada dib loo dhigoabaarta baahsan ee dalka ka jirta awgeed. Taas oo ka hor imanaysa qodobada Dastuurka Qaranka ee hoos ku xusan oo kala ah :

1.      Qodobka 83aad ee Dastuurka Qaranka ee “HABKA DOORASHADA”, Farqadiisa 5aad oo odhanaysa :<<Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteedin la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto>>

iyo

2.      Qodobka 18aad ee Dastuurka Qaranka ee DEEGAANKA IYO WAX-KA-QABASHADA AAFOOYINKA, Farqadiisa 2aad oo oddhanaysa : <<Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul garurka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal>>.

Hadaba iyadoo aynu wada ogsoonahay in wakhtigan xaadirka ah dalka aanay ka jirin duruufo nabadgelyada darteedoo doorashada dib loogu dhigo sida uu qeexayo qodobka 83aad farqadiisa 5aad ee dastuurka qaranka ee kor ku xusan iyo arrinta aafada abaarta baahsan ee dalka ka jirta wakhtigan xaadirka ah oo aan haba yaraateesaamayn ah ku lahayn dib u dhiga doorashada sidaku cad qodobka 18aad farqadiisa 2aad ee dastuurka qarankaee kor ku xusan oo qeexaya habka loo maamulayo arrimaha aafooyinka dabiiciga ah ee abaaruhu ka midka yihiin ee dalka ka dhaca iyo cidda u’xilsaaran masuuliyadeeda.

Sidaas daraadeed Waxa aan u soo jeedinayaa xisbiyada mucaadka in ay umada ka daayaan khalkhalka iyo jaha-wareerka siyaasadeed oo u’diyaar garoobaan doorashada dalka ka dhici doonta wakhtigii loo cayimay oo ah 28/03/2017. Bulshadana waxaan kula talinayaa in aydhegaha ka furaystaan war-xumo tashiilka iyo danaysiga siyaasadeed ee xisbiyada mucaaradka oo gartaan in dantooda iyo masiirkoodu ku xidhan yahay doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoonta insha allahu.

                        WA                  BILLAAHI                     TOWFIIQ

 

Aqoonyahan Fuaad Axmed Xusseen

Hargeisa-Somaliland

Email : unidriv2000@live.com

Tel : +252 63 4421393

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.