Wershada Sharaabka Ee SBI Waxay Somaliland U Soo Hoysey Sumcad Iyo Horuumar


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 07:20:56
Sharaabka ay soo saarto SBI ayaa ah sharaabka loogu jecel yahay Somaliland, waxaanu wada gaadhay dhammaan gobolada

Wershada soo saarta sharaabka ee SBI ayaa ah wershada ugu wayn maanta dalkeena ee wax soo saar {production}, wershada SBI, waxay soo saartaa sharaabka qaybihiisa kala duwan waxay qayb ka tahay ama ka farcantaa shirkada wayn ee aduunka oo dhan caanka ka ah ee Coca-cola, taasoo ah wershad ama company aad u wayn

Wershada Somaliland Beverage Industries {SBI} ayaa Somaliland laga hirgeliyey sanadkii 2012, furitaankii wershadan wayn waxaa ka soo qayb galay wufuud caalami ah iyada oo uu furay madaxweynaha Somaliland Mr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Sharaabka ay soo saarto SBI ayaa ah sharaabka loogu jecel yahay Somaliland, waxaanu wada gaadhay dhammaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland oo dhan,




waana sharaabka keli ah ee loogu cabis iyo isticmaal badan, sidoo kale waxaa uu gaadhay meelo badan oo ka baxsan Somaliland sida Putland iyo meelo kale oo badan.

Wershada SBI waa shirkad muwaadinad ah oo ka qayb qaadata horuumarka iyo caawinta shacabka Somaliland waqtiyada adag sida abaaraha oo kale, waa shirkad ka soo jeeda qoyska caanka ah ama ganacsadihii waynaa alla ha u naxariistee Xaaji Cismaan Geelle, oo caan ka ahaa geyiga ay degto bulshada ku hadasha afka soomaaliga.

wershada SBI waxaa hirgeliyey Axmed Cismaan Geelle, waa shirkad ay shaqo ka heleen muwaadiniin badan oo reer Somaliland, iyada lagu qiyaaso dadka u shaqeeya in ka badan 250 qof oo shaqaale, taasoo muujinaysa shaqo buurka baaxada leh ay abuurta wershada SBI, iyada oo dalkeena shaqo la’aani ay jirto, balse la odhan karo shirkada SBI waxay samaysay wax lagu farxo.

Sidoo kale wershada SBI wershad markasta raali gelisa bulshadeeda iyo macaamiisheeda, tusaale ahaan sanadkasta ama ramadaan kasta waxay qabataa tartan ama baqtiyaa nasiib lagu helo abaalmarino qaali ah, iyada oo shirkadu ama wershada SBI ka duulaysa in ay bulshadeeda wax u soo celiso ama ay raali geliso.

Shaqi kuma jiro in ay SBI tahay shirkad Somaliland u soo kordhisay sumcad, iyada oo aynu wada ognahay in aanay dalkeena ka jirin wershado la mid ah SBI oo wax soosaarta, waxay tusaale fiican u tahay in wershado wax soosaar oo waaweyni ay Somaliland ku soo hirtaan, iyaga oo ka duulaya guusha ay gaadhay wershada ama company-ga SBI.

 

  Tayada Sharaabka SBI

 

Sharaabka ay soo saarto wershada SBI ayaa ah mid aad loo jecel yahay sida aan kor ku soo xusay sidoo kale tayadiisu ay aad u fiican tahay, waana wershad caalami ah oo waxaa ay soo saaraysaa ay yihiin kuwo tayo leh, waana sababta ay u noqotay in bulshada Somaliland ay noqdaan kuwa ugu cabista badan sharaabka SBI.

Hadaba si loo xoojiyo ganacsiga wershadaha oo aan odhan karo waxaa waxa keli ah Somaliland ku hormari karto shaqo la’aantana lagaga bixi karo, waxaa haboon in wasaarada ganacsiga iyo wasaarada wershadaha Somaliland, ay fahmaan muhiimada ay leedahay in dalkeena ay yimaadaan ama laga hirgeliyo wertshado wax soo saar, kuwaasoo soo kala saaraya waxyaabo kala duwan.

Waxaa laga rabaa wasaarada ganacsiga in ay samayso siyaasad cad oo lagu kala hagayo ama lagu kala xadaynayo guud ahaan ba ganacsiga gaar ahaana wershadaha, iyada oo cidkasta loo samaynayo aag u gaar ah, tusaale ahaan imika wershada SBI, waxay soo saartaa sharaabka noocyadiisa kala duwan, markaa looma baahna wershad kale oo sharaabka soo saarta tan baa ku filan Somaliland oo dhan.

Hadii ay wershaduhu isku wax soo saaraan wax qiimaha ma yeelanayaan, wasaarada ganacsiga iyo wasaarada wershadaha waxaa ku waajib ah in la sameeyo xeerar kala xadaynaya ganacsiga iyo wershadaha, taas baa guul lagu gaadhanayaa, Somaliland qiimo ku yeelanaysaa ganacsiguna qiimo ku yeelanayaan.

 

Gunnaanad

 

Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa in la fahmo qiimaha ay leedahay wershadaynta dalka, waana waxaa la isku dhaafay nidaamka wershadaha, wershada SBI, waxay Somaliland u soo kordhisay sumcad wayn oo dhinaca dhaqaalaha, taasoo u baahan in lagu daydo horuumarkaa iyo shaqo abuurka ay samaysay wershada SBI.

 

By: Cabdilahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland

Tell: 0634112109 email: Caarshe1985@gnail.com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.