Qabyatire Qorshaysay, Qaran Waxad Ku Fiicnayd, Aan Qabyaalad Lagu Dhaqin.


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 07:51:04
Oo Waxoodu Iska Yahay Qof Jeclaysi Iyo Qooto Qooto. Sidaas Ayaan U Soo Qaatay Xidiga Wax Qabaka Sanadkii Tegay

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

                   S.C.W.R.W.B

Salaantaas Islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa,

Dhamaan bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda.

 

HADDII LAGU SHEEGO WAA LAYS SHEELAA,

HADDII LAGU SHEELANA WAA LAYS SHEEGAA.

 

WAXAAN DHIGAYSTAY IN BADAN QAAR YHIDHAAHDA WAX BAANU QIIMAYNAA,

OO WAXOODU ISKA YAHAY QOF JECLAYSI IYO QOOTO QOOTO.

SIDAAS AYAAN U SOO QAATAY XIDIGA WAX QABAKA SANADKII TEGAY 2016 (QABYATIRE).

 

1-QABYATIRE QORSHAYSAY,QARAN WAXAD KU FIICNAYD,

   QIIMAHA DAWLADNIMADIYO,QABKEEDA LAGU WADIN,

   QOF JECLAYSI REERNIMO,QABYAALADA KA DAAHIR AH.

   SHARCI LAGU NAFQAYBSADAO,KUGU QURUX BADNAYDE.

 

2-QARJAJACDAA ISKALA SOCO,HOR ALANA WAXUUN QABO,

  QAADIR WIXII U KUU DIRO,QARANKU SHACABKA WEEYEE,

    MA AH QAAR KA XOOGSADA,QAYBSADA DANTII GUUD,

  QAATEE QAADO ADIGUNA,KA QAD HAW DHAWAANOO.

 

3-QAARBAA QAWADAYOO,UDGOONKU U QADHMUUNYAY,

    QURUXDANA KA DIDAYOO,QOONSADA WANAAGABA,

    WAXA FIICAN QUUDHAYN,QUSHI DHEH YEELKADOODE,

    U




QABAAN DADWEYNAHA,DHALINYARADA WAX U QABO.

 

4-QAAID BAAD U TAHAY BADI,QOONKA SOO KACAAYEE,

   QOLONIMADA LOO DHIGO,IYO QAYBIN REER-REER,

   QALBIGOODA LAGU QORAY,QISHKA IYO NACAYBKANA,

   QORSHE WACAN USII JEEX QOF MARUU KU RAACANA.

                          ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.