Shirkii Hoodaale Ee Pristol oo Lagaga Hadley Arimaha Lagu Dardar Galinayo Taageerada Xisbiga Kulmiye


(Hadhwanaagnews) Monday, April 17, 2017 19:39:48
Shirkan oo ahaa mid si xoog ah loo soo agaasimay,islamarkaana, qabanqaabadiisa iyo abaabulkiisu

Pristol(HWN)-Shir ay isugu yimaadeen guud ahaanba Xubnaha iyo Gudiyada beesha Sacad Muuse ee kunool pristol ayaa shirkoodii hoodaale ku qabsadey halkaasi shirkaas oo lagaga wada hadlayey sidii loo dardar galin lahaa islamarkaana, loo xoojin lahaa taageerada Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa waxa kasoo qyb galey guud ahaanba Xubnaha Gudida Hoodaale ee Pristol rag iyo haweenba.

Shirkan oo ahaa mid si xoog ah loo soo agaasimay,islamarkaana, qabanqaabadiisa iyo abaabulkiisu si xoog ah uga soctey mudooyinkii dambe Pristol ay gadhwadeen ka ahaayeen xubnaha Gudida Hoodaale ee Pristol waxa siweyn loogaga Hadley sidii loo xoojin lahaa dardargalinta Xisbiga Kulmiye.






style=" 500px">

Afhayeenka Ururka Hoodaale ee Pristol Cumar Aw Cabdi oo furey Shirkaasi Hoodaale ayaa sheegay in ujeedada Shirkani yahey sidii loo adkeyn lahaa loo xoojin lahaa loona dardar galin lahaa Taageerada Xisbiga Kulmiye ee Murashaxa jagada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

“Shirkani ujeedadiisa iyo nuxurkiisu wuxuu daaran yahey,wax wadaqabsiga,iyo iskaashiga bahweynta Kulmiye iyo beesha ku abtirsata hoodaale oo dhinaca Siyaasada,Waxbarashada dhaqaalaha iyo Beeraha intaba loo adkeyn lahaa sidoo kalena taageero loogu muujin lahaa Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Waxaanu Shirkani ahaa mid aan hore noociisu  uga qabsoomin dalka ingiriiska marka loo eego dhinaca midnimada Beesha Sacad Muuse iyo kulankooda Shirkani oo silsiladiisu daadsaneyd in qaarada Yurub la gaadhsiiyo xidhiidhkan cusub ee midnimada Beesha hoodaale ku mideysay taageerada Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxooda Waxaana halkaa ka Hadley Odey Cumar Siyaad Cabdilaahi oo ah deyga Guud ee Beesha Hoodaale ee Pristol iyo Xubno kale oo aad u tira badan.

 

Waxa kale oo halkaasi khadka Telefoonka kaga soo qeyb galey Shirkan Wasiirkii hore ee Wasaarada  Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye isagoo ta,kiidiyay sidii loo xoojin lahaa Taageerada Muuse Biixi Cabdi Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye gaar ahaana garabkiisii isaga la doonayay Madaxweynimada oo ay kamid yihiin Cabdi Dhoore oo kamid ah xiligan Xubnaha qabanqaabada Shirkan iyo Maxamed Yuusuf(ina Ruush),iyo waliba rag kale oo badan.

 

Waxaanu shirkaasi oo ay ka hadleen haween tira badan oo beesha hoodaale ahi kusoo dhamaadey jawi aad u wanaagsan.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.