Hargaysa:-Xisbiga WADDANI oo qabsaday Kulan Lagaga hadlaayay Olalaha Doorashadda Madaxtooyadda +SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Monday, April 17, 2017 22:31:02
Hargeysa(HWN):-Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka

Hargeysa(HWN):-Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi loo gaadhsiin karo guud ahaan shacabka Somaliland iyo weliba sida oo kale u diyaar-garowga ololaha doorashada Madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa daba-yaaqada sanadkan, ayaa maanta ka qabsoomay hotel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka caawinaysay hay’adda IRI oo ay tobabarkaasi wax ka bixinaayeen khabiiro ku xeel dheer dhinaca ololaha doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale siyaabaha kala duwan




ee xisbiyadu ay fariimahooda siyaasaddeed u gaadhsiin karaan u na kasban karaan codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, abwaaniin, hal-abuuro, saxafiyiin iyo weli ba sida oo kale aqoonyahanno ku xeel dheer dhinacyada xidhiidhada bulshada oo iskugu jira dhakhaatiirkh, macalimiin iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Waxaanna kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ay inta badan diiradda ku saari doonaan siyaabaha ugu habboon ee xisbiga WADDANI uu fariimahiisa siyaasaddeed u gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland isla mar ahaantaana bulshadiisa isbedel doonka ah  uu xiliyada doorashada iyo inta ka horreysa ba uu u la la wadaagi lahaa fariimo ka fayow cunfi, qabyaalad iyo weli ba sida oo kale kala qoqobidda bulshooyinka Somaliland bari illaa galbeed ee walaalaha ah oo inta badan uu caan ku noqday Xisbiga KULMIYE.

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.