Muxuu Daarnaa Kulankii Gudoomiyaha Guurtida iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ee Imaaraadku?


(Hadhwanaagnews) Tuesday, April 18, 2017 11:36:34
Kulankan,oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen islamarkaana, aaney kasoo

Dubai(HWN)-Inkastoo aaney ilaa iyo hada kasoo bixin xogo dheeraad ah oo uu daarnaa kulan casheedkan ku qabsoomay Abudabi ee lagu kulansiiyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay weheliyaan aqoonyahan Madaxdhaqameed iyo waxgarad kasoo jeeda Beeshiisa iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe waxa uu ubadnaa sida ilo xogogaal ahi tibaaxeen kulan Siyaasadeed wax la iskaga weydiinayey maraaxilka dalka ee Xiligan iyo Rajooyinka Mustaqbal ee isbadelada Siyaasadeed.

 

Kulankan,oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen islamarkaana, aaney kasoo doc boodin xanshashaqa falanqeynta nuxurada Siyaasadeed ee ujeedadiisu daarneyd hadana sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen dad la socdey dhaqdhaqaaqiisu waxa ay ku koobeen xogtiisa in




muhiimadiisa ugu weyni aheyd,in falanqeyn dheer laga yeesho isbadelada Siyaasadeed ee kusoo wajahan dalka Somaliland,iyo sidii ay rajooyin mustaqbal iyo isugu ogaayeen lahaayeen Oday Saleebaan Maxamuud Aadan Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe oo mudo xileedkiisa Xisbiga iyo Murashaxnimadiisuba ku eeg tahey deyrtan maanta ah.

 

Inkastoo aanu sawirada ka muuqan waxa kulankan goob jog ka ahaa Wakiilka Somaliland u qaabilsan Dawlada Imaaraadka iyadoo shacbiga Somaliland kasoo jeeda ee dalka Imaaraadka Carabtu ay kulankan siyaasadeedkan ku tilmaameen in aanu ka beydhsaneyn in Faysal mustaqbalada soo socda wareejin doono Xisbiga Ucid hogaamintiisa.

 

 

Cabdiraxmaan-hiiraan Hadhwanaagnews  

Email:hiiraan2007@gmail.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.