Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekeda Berbera iyo Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabta


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 06:26:03
Xildhibaan Cabdilaahi Waxa uu soo jeediyay......."

Muqdisho (HWN) - Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu eedeeyay in uu hor taagan yahay Doodda Mooshin ka dhan ah heshiiska Dekeda Berbera ee ay xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World  Kala Saxeexdeen iyo saldhiga Milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaynayso Magaaladda Berbera.

Xildhibaanadii Mooshinkaasi keenay oo ka hadlay fadhigii ugu danbeeyay ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay ku eedeeyay in uu guddoomiye Jawaari Ka War-wareegayo heshiiskaasi in lagaga hadlo golaha dhexdiisa.

Hadaba Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlayay xildhibaanadda ayaa yidhi “Xildhibaan Cabdilaahi Waxa uu soo jeediyay in mooshinkaas ajandaha loogu daro oo laga doodo,  anagu




mooshinkaas ma hayno tafaashiisa, heshiiska la galay nooca uu yahay, in aan u gudbiyo xukuumadda oo aan idhaahdo Tafaasiil naga siiya oo aynu wakhti siino waa qodob, laakiin aniga igama ah in aan diiday heshiiskaasi in la hor keeno golaha” ayuu yidhi

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.