Abaaraha Ka Jira Geeska Afrika Oo Sahayday Nolosha Dad Afartameeyo Kor U Dhaafaya + Sawirradii Ugu Naxdinta Badnaa


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 10:25:26
Allaah Haw U Gargaaro Dadkiisa Abaaraysan....aamiin aamiin aamiin

Meelo badan oo dhulka soomaalidu Degto ee geeska afrika waxa ka taagan Abaar Baahsan oo dad iyo duunyaba saamayn Xoogan ku yeelatay.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafayna

Warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahiba waxa ay soo Tabinayeen warar Dhiillo Xambaarsan oo kuwooda ugu darani ay ahaayeen, dad gaajo u dhintay, caruur soomaal haaday iyo xoolo u bakhtiyay ka dib markii ay dhulka xaabku ka idlaaday.

Gurmadka raashinka iyo biyaha ee la gaadhsiinayo dadka iyo duunyadda Tabaalaysan ayaa hadh beelay in kasta oo




gacanta bani ‘aadamku ay iska qaad Yar tahay.

Meelo ka mid ah Geeska Afrika ayaa waxa laga soo sheegayaa in roobab aan badnayni ka da’een, kuwaas oo aan dabooli Karin baahida iyo dhibka jira.

Dhacdadii ugu Naxdinta Badnayd ee ay warbaahintu soo tabiso ayaa ahayd markii aabo ubad iyo caruur ku dhalay Barriga Somaliland uu geed iska soo daldalay, ka dib markii ubadkiisa iyo Xoolihiiba ay waayeen wax ay afka saaraan.

Sidoo kale isla Goboladda Bariga Somaliland waxa la soo tabiyay hooyo la sheegay in ay gaajo darteed u dhimatay.

Dhinaca Koonfurta Soomaaliyana ilaa 31 qof ayaa warbaahintu ay soo tabisay in ay udhinteen macaluul baahsan oo ku Habsatay deegaamadaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dad iyagu isu xil qaamay in ay walaalahoodaha abaaruhu hayaan gaadhsiiyaan taakulo, kuwaas oo aan hadh iyo habeenba ka seexanin sidii ay gacan uga geysan lahaayeen.

Hadhwanaagnews/Office

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.