Dhaqan Siyaasi W/Q: Cali Cabdi Coomay


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 15:09:42
Dhaqan Siyaasi W/Q: Cali Cabdi Coomay

Maxamed Siyaad markii laga saaray Muqdisho isaga oo la baacsanayo ayuu galay Kiiniya, ka dib waa la waraystay waxaana la su’aalay waxa dalkiisii ka keenay, wuxuu yidhi” Dad waalan ayaan jeel ku hayey, oo jeelkii soo jabsaday”, malaha dadkii uu sheegayey ayaa dhaqankan leh. Wuxuu leeyahay laba sifo oo isku soo horjeeda, aadna u kala duwan. Wuxuu leeyahay samaan iyo xumaan isku-dhafan. Waa xariif midabyo badan, balse aan lahayn meel loogu soo hagaago.

Dhanka wanaag marka laga joogsado, waa madaale karti badan awoodna u leh in uu dhawr cisho shaqeeyo nasasho la’aan, iyada oo aan marnaba laga dareemayn habyaraatee wax daal ah. Waa hadal-yaqaan




ilaahay ku manaystay xus iyo xusuus xad-dhaaf ah, hibona u leh in uu aragtidiisa bulshada u sharaxo, sidoo kalena beerlaxawsan kara. Maaha kaba qaad u sujuuda madaxda xilka haysa, wuxuu ku qancsan yahay waxa ilaahay u qoray in uu meelna ku seegayn, helina doona goor ay ahaataba. Waa bulshaawi aanay habayaraatee jirin islaweyni, kibir, aftaag iyo fatoosh. Kuna dedaala qof kasta in uu qaabilo oo uu dhegaysto, islamarkaana qanciyo.

Hibadaasi ilaahay ku manaystay hadduu si habboon u adeegsan lahaa waa hubaal in uu naftiisa iyo dalkiisaba horumar baaxad leh ku tallaabsan lahaa. Marka dhan xun laga eego waa shakhsi aan diinta islaamka ku fiicnayn kuna soo koray kelinnimo iyo ciilqab, wixii gef ah ee hore loogu geystay, uurkana ku haya. Manhajkana ugama jirto in uu iloobo, waxaana ka mid ah xigmadiisa halku-dhiga ku salaysan caaqiido xumo ku aroorta cuqdad taaso biyo-dhaceedu yahay “Never forget never forgive.” Waxna ha iloobin, waxna ha cafin. Mar waa gob una abaalguda qofkii in yar mustaqbalkiisa waxa u taray, marna waa uur-ku-dhogorle aan iloobin wixii xumaan lagu sameeyey, kana ficil qaata.

Gabadh markuu yaraa jacayl xagiisa ka yimid la qaadan weyday, wuxuu ka aargoostay 50 sannadood ka dib, markii uu awood u helay, aakhirkiina birta ayuu dhaafiyey. Markuu bannaan joogay wuxuu ka dhuubnaa miiq dun ah, balse maanta wuxuu ka naaxay kalyaha sidii gofone dhiig ka jaqay neef xoolo ah. Markii hore wuxuu ahaa halyey haybad sare oo lagu soo hirto, cidna aan u habran, maanta se waa maangaab aan waxba odoris Karin, oo calooshii la ciyaar noqday. Markuu siyaasadda dibada ka joogay wuxuu ahaa waddani dalkiisa jecel, balse maanta wax kasta wuxuu ku dhaafaa maxaa iga galay kol haddii aanay aniga I soo gaadhayn. Marna laguma sifayn karo dhammaan tilmaamaha ummadda midkood noqon karo ee kala ah: Waddani ama khaa’in, daljire ama jaajuus, halyey ama habacsane, aamin ama tuug, badbaadiye ama burburiye, samataliye ama dagaal-ooge, indheergarad ama maangaab, caalim ama jaahil, sheekh ama shaydaan.

 

Dhaqanka siyaasiga wanaagsani waa kii la kulmay Madaxweyne Cigaal ee qisadani dhexmartay. Madaxweyne Cigaal ayaa xan hoose ku maqlay in nin gacanyarihiisa ahi uu war ay isku-ogaayeen u sheegay dadka kale, markaasuu u yeedhay oo ku xanaaqay, oo uu ninkii ku shubay shah uu cabbaayey, dabadeed ninkii oo shaadhkiisii shaahii ka muuqdo ayaa ka soo baxay albaabkii xafiiska madaxweynaha, ka dib waxa kaabadii xafiiska kaga soo horbaxay koox wasiiro ah oo ballan la lahaa madaxweynaha, waxa aanay su’aaleen shaahan shaadhka kaga daadtay?, markaasuu ugu jawaabay, madaxweynaha ayaa sheeko qosol badan iiga sheekeeyey markaasaan qosol dartii shaahii igu daadatay. Ka dib wasiiradii ayaa madaxweynaha ku yidhi, sheekadii qosolka badnayd ee hebel aad uga sheekaysay ee qosol dartii uu shaahii isugu daadiyey nooga sheekee. Dabadeed madaxweynihii ayaa ninkii u yeedhay oo arrintiisii dib u eegay.

 

Marna waa daallin musuqmaasuq iyo tuugo madax martay oo kursi jeceyl la sakhraamay. Nin ay walaalo yihiin ayaa dukaan haystay, balse markii walaalkii xilka qabtay ayuu beddelay meheradii, waxaanu helay hanta ay ummaddu leedahay oo aanu weligii ku riyoon. Xaaskiisa oo dumrka jaarku ku xaman jireen hebaaloy maanu ninku waxba siin waa tan bakhtiyeysee ee miiqa dunta ah la moodee, maanta laba libaaxna madhin maayaan, oo gurigeeda labada faradadood ayaa la furaa cayilaad awgeed. Waa dhaqan siyaasi iyo caadkii

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

Calicoomay@hotmail.com

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.