Badbaadada Alluunbaa Lehoo, Bixin Dhamantood


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 15:09:52
Bar Xoolaad Dhamate, Dadkii Hatan Loo Baqay, Birmad Loo Diryoo Lama Hagran, Baaxada Culus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.                                                     

           S.C.W.R.W.B

Salaantaas Islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa,

Dhamaan bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda

 

1-SIXIR BARARKA SII BAAHAYIYO,BAAHIDIYO OONKAN,

   BAR XOOLAAD DHAMATE,DADKII HATAN LOO BAQAY,

   BIRMAD LOO DIRYOO LAMA HAGRAN,BAAXADA CULUS,

   BOQORKOO QABOOJIYO,ALLAHOO BIXIYA MOOYAANE,

   BAWLADO LA SOO URURIYAA,BIIDNA TARI WEEYDAY.

 

2-MID INTAAS KA BADANBA,BAXDOO LAGU BATAASHAA,

    BOQOLAAL KUNBAA LAGU GUBAA,BEENTA OLOLAAYE,

    DADKAN WADA BAKHTIYAY IYANA,BAHO U QAYBSHAN,

    BAANISAA QABIILKIYO XUMAA,LAGU DHEX BEERAAYO.

 

3-DOORASHADA HADDAN,BURIN LAHAYN AMASE BAABIINO,

    BEDELAADNA LOO BAAHANYOON,QAAR BED QABA DOONO,

    BULSHADII ADUUNKUNYADU OGEYN,XAALKA BARADEENAN,

    BAALKASTOOD KA EEGTABA,HADDAY BAAHDAY TALADEENU.

 

4-BOQORTOOYADII CARABTA EED,SIISEEN BADAHEENA,

    BERMADKII CIRKIYO SOO




DIR DHAHA,BOOYADIYO QUUD,

    BOCADAWGA OODOO KU FURA,BADAH XEEBTEENA.

    BADBAADADA ALLUUNBAA LEHOO, BIXIN DHAMANTOOD.

                    ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.