Wasiirka Qorshaynta Oo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Laga Maal Gelinayo SDF+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 15:26:32
Wasiirka Qorshaynta Oo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Laga Maal Gelinayo SDF+Sawiro

Hargeysa(HWN):-Wasiirka qorshaynta qaranka iyo horu marinta somaliland Maxamed Ibraahim Aadan ayaa kormeer ku soo maray mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ee laga maal galinayo SDF oo ka socda deegaanka Hori-Haadley.

Wasiirka oo kormeerkiisa ka bilaabay goobaha la dhigayo dhuumaha biyaha ee Geed-Deeble iyo Hargeysa ayaa warbixin ka dhagaystay hawl wadeenada gacanta ku hayo mashruucan.

Eng Khaliif Aw Cabdilaah ayaa wasiirka warbixin ka siiyey halka ay marayaan hawlaha mashruucani ayaa sheegay inay dhamaatay dhigistii




beebabku, waxa kale oo uu tilmaamay in dhismaha iyo biyo soosaarka cusub la rajaynayo inuu dhamaado bisha October ee sanadkan 2017-ka.

Sidoo kale wasiirka qorshaynta qaranka ayaa booqday dhamaan ceelalkii la qoday oo lagu guulaystay kuwaas oo ay u hadhsan tahay oo kaliya in lagu xidho xarunta Geed Deeble.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.