Hay'adda DFID ee Ingiriiska oo Caddeysay Taageeradeeda Bulshada Abaaruhu Tabaaleeyeen ee Somaliland


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 16:32:44
Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay ugu talogaleen in lagu kaalmeeyo dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland iyo Soomaaliya ku nool lacag qadarkeedu yahay

Hargeysa(HWN)- Hay’adda DFID ee  horumarinta caalamiga ah u qaabilsan  UK, ayaa caddeysay taageeradda ay u fidinayso dadka ay tabaaleysay abaarta adag ee ka jirta jirta Somaliland, waxaanay ka jawaabtay codsi uu u qoray 11-kii Bishan April  Xildhibaan Baarlamaan oo ka tirsan xisbiga Labour-ka oo la yidhaahdo  Stephen Doughty.

Siday qortay maanta shabakada The National, oo uu soo turjumay Cumar Maxamed Faarax oo HadhwanaagNews ka tirsani, Xildhibaan Stephen Doughty oo laga soo doorto  Cardiff, ayaa bishii hore walaac ka muujiyay marxaladda adag ee abaaraha oo uu kaga hadlay fadhi baarlamaanka  yeeshay. Waxaana ka jawaabay Wasiirul-dawlaha  horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, Priti Patel.

“UK waxay walaacsan tahay xaaladda ka




sii daraysa ee abaarta xun ee ka jirta Somalia iyo Somaliland-ba,”ayuu yidhi Wasiirul-dawluhu, waxaanu sheegay inay wadaan dedaalo caalami ah oo lagaga hortagayo in macaluuli ka dhalato abaartan.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay ugu talogaleen in lagu kaalmeeyo dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland iyo Soomaaliya ku nool lacag qadarkeedu yahay 110 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah.

Xildhibaan Stephen Doughty, oo u ololeeya sidii ay Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd beesha caalamka, ayaa maanta ku baahiyay bartiisa twitterka inuu arrintan kala hadlay Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska.

Abaarta ku hawaarsatay Somaliland,  ayaa lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee indhawaale ka dhacda dalka, waxa la caddeeyay  inay ka dhalatay isbedalka cimillada adduunka.

Hadhwanaagnews/Hargeysa




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.