Hambalyo Ku Socota Agaasimaha Cusub Ee Dalada DHalinyarada Heer Qaran ( Sonyo Umberalla) Eng Cumar Cismaan Miigane (Oom).


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 16:35:48
Qalinka: C.S.F(Jeesto).

DHambaal  soo  dhaweyn  iyo  isugu  jira  Hambalyo  ayaa  ay  u  dirayaan  DHamaan  Dhalinyarada  gobalka  Gabiley  Agaasimaha  cusubee  dalada  dhalinyarada  heer  qaran  Ee  Somaliland  (Sonyo),  Eng  cumar  cismaan  miigane  oo  dhawaan  daladu  ay  u  garatey  Agaasimaha  fulinta  iney  u  cumaamado.

DHalinyarada  soo  dhaweynaysay   ayaa  isugu  jira  Wax-garad,  aqoonyahano,  culimo,  indheer-garad, saxafiyiin  dhamaantood  waxay  ugu  horeyn  ku  tiraabeen  in  Ilaahey  xilkaa  culusee  dhalinyarada  Somaliland  cumar  u  xambaarey  ku  asturo  Raxmaanku,  Isaga  ku  dardaarey  inuu  dalada  oo  imika   shaashadaha  ka  yara  baxdey  inuu  boodhka  ka  soo  jafo.

Dhinaca  kale  eng  miigane  waa  Aqoonyahan  bulshada  la  dhaqma  dad-yaqaan  ah ,  marerka  qaarkood  waa  odey  dhalinyaro,  af-tahamo  leh,   kaftan-gal ah,  aqoon-hadla,  sidaa 




darteed  kalsooni   buuxda  ayaan  ku  qabnaa  inuu  gudan  karayo  xilka  loo  igmadey  ka  aqoon  ahaan  iyo  ka  hibo  ahaanba,  waxa  xusi  doonta  sooyaalka  haddii  Eebe  xukmaayo.

Eng  miigane  boqolkiiba  boqol  waa  halyey  umadiisa,  dhalinyaradiisa,  iyo  qarankiisaba  u  soo  adeegay  hadana  u  sii  adeegi  doona  si  bilaa  turxaan ah  waa  sida  aan  ku  hubno  ama  aan ku  dooraney  hogaamintiisa  dhalinta,  Inshaa  Alaahu  tacaalaa  waxaan  ku  rajo  weynahay  inuu  ururiyo  dhalinyara  Somaliland  walaaltimadoodana  mixwar  u  noqdo.

Gabagabadii  waxaan  ugu  duceynanaa  inuu  Raxmaanku  umadiisa  u  diro  si  uu  habsami  u  guto  hawlaha  loo  igmadey  ama  daladu  deal-gareyso  kuwaaso  ku  tacaluqa  arimaha  dhalinyarada  iyo  kobcinta  ka  hawl-galida  himilooyinka,  hiigsiyada,  qarankani  haloosiyayo  ee  ku  adaan  dhalinyarada,  waxaanen  Allaah  Macak  Guul  iyo  gobanimo  shaqo  wacan.

 

Qalinka:  C.S.f  (Jeesto)

Diplomatic  Annalysis

Gabiley/Somaliland

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.