Korodhka Xawliga Ku Socda Ee Darbi Jiifka Hargaysa Iyo Mooganaanta Shacabka.


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 17:11:27
korodhka darbi jiifka Hargaysi waxa uu marayaa meel aad u halis badan oo khatar ku ah bulshada haddii aan si dhakhso ah talaabo looga qaadin.

Haddii aad u kuur gasho suuqyada Hargaysa xiliyada fiid cawlka iyo horaanta waabariga, waxa ay indhahaagu qabanayaa dhalinyaro kooxo kooxo u socota , oo xabagta ku noogaaya badhtamaha suuqyada Hargaysa oo loo yaqaan darbi jiif.

Marka aad maqasho darbi jiif aragta uu qofku ka haysto waxa u soo baxaya sawir wiilal dhalin yaro ah oo nolasha ka dhacay oo aan lahayn gabood iyo hoy ay ka galaan dhaxanta ,qabawga ,milicda ,roobka iyo dhuuniba.

korodhka darbi jiifka Hargaysi waxa uu marayaa meel aad u halis badan oo khatar ku ah bulshada haddii aan si dhakhso ah talaabo looga qaadin.

Kuma koobna darbi jiifka Hargaysi wiilal kaliya, waxa weheliya gabdho tiro




badan oo ah darbi jiif nolashooduna ay tahay mid la mid ah ta wiilasha.

Hablahani qiyaas ahaan waa da'da 12ilaa 18jir mid kastaa waxa ay xanbaarsantahay ilmo yar oo ay dhashay kaas oo aan aabo lahayn.

Waxa ay noolyihiin wiilashaa oo ay meel uula hoydaan.

Dhalinyaradani waxa ay ka helaan quuto daruuriga , ay ku noolyihiin hudheelada oo laga siiyo hadhaaga raashinka (hanbada).

Waxa maalin kasta laga eryaa haddii aad u kuur gashay masaajida iyo goobaha cibaaddada oo au ka dawarsadaan.

Waxa ay ku hubaysan yihiin tooriyo ,budhadh,sakiimado taas oo iyaga naftoodu ay halis isku hayaan cid kala dhex gashaana aanay jirin.

Naftooda ka sakow dhibta uugu weyn waxa ay ku hayaan bulshada ka moogan jiritaqnkooda.

Had iyo jeer waxa ay ay ku kacaan falal tuugnimo ah, waxa aad arkaysaa iyaga oo tilifoonada kala ordaaya shacabka siiba goobaha basaska laga raaco, waa ta uugu sahlan ay ku hayaan.

Dabcan waxa keenay dagaaladii iyo dhibaatadii wadan ka dhacday ayaa asal u ah, furi taanka iyo kala taga qoysaska ayaa iyana ah waxa keenay darbi jiifka kadib markii ay waayeen cid daryeesha ayaa ay dibada u soo baxeen.

Dhibtan oo ah mid aan la dareensanayn waxa ay inagu keeni doontaa cawaaqib aad u daran oo mar kale laga sheekayn doono.

Waxa ay noqon doonaan bulsho xoog badan oo inagu dhex nool loo adeegsan karo, falal ka mid ah nabad galyadeena,waxa ka dhalan doonta cuduro faafa oo.ay inagu soo kordhiyaan,waayo xumaha iyo fawaaxishku waa meheradooda, waxa si hoose oo aan la dareensanayn inoogu beermaaya bulsho inaga mid ah,oo aan lahayn naxariis ,wadaniyad,akhlaaq arxana aan u galayn dadka ay la dhaqanyihiin,kuna hawlan sidii ay u dagi lahaayeen.

Dhaqan xumadaasi waxa ay keeni doontaa in caruur badan oo aynu dhalnay ku biiraan marka ay ka falaagoobaan waalid kood ,waxaana kuu cadaynaaya maalinba maalinka ka danbeeya tiradoodu waa ay sii kordhaysaa.

Hadaba akhriste su 'aashu waxa ay tahay yaa ka masuul ah darbi jiifka ku soo badanaya caasimada?

 Jawaabta su'aashani ma foga dabcan waa xukuumada oo ay tahay in ay ururiso goob lagu daryeelana u samayso ,si loo daba qabateeyo fiditaanka arinkan.

Waxa muhiim ah in lagu sameeyo dib u dajin loo sameeyo xaruumo lagu daryeelo, si loo badbaadiyo ka fikirka mustaqbalka nolashooda.

 

Talo:-

Waxa aan ku talin lahaa in la sameeyo hawl galo la diyaariyo ciidan police ah oo ka gura ,magaalada ,in la diyaaryo goobo lagu kala xareeyo marka la soo qabto hablaha iyo wiilasha,si loo baajiyo fusuqa , fawaaxisha iyo sinada badheedhka ah ay ay wadaan.

 

Allaa mahad oo jaamac(m.somaali)

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.