Qodobada Ay Somaliland Ku Hanan Karto Aqoonsi ( Principle Of Recognition). Qalinka: C.S.F(Jeesto).


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 17:14:05
(Carry Outers) Dadka Qaadayaa Waa Dad Noocee Ah Ma U Qalmaan, Ma Karayaan Iney Jabiyaan Darbigaa Adag Ee Mudada

1:(Strategic  Plane)  Qorshe   Abaabulan  Oo  Leh  Ubuciyo  Macno  Loogu  Soo  Hagaago,  Qadiyada   Qadiyad  Qoran  Caalamkana  Lala  Hor  Tagi  Kar.

2: (Definite  Article)   In    Aanu  Madmadaw  Ku  Jirin  Marnaba  Dawga   Aad   Ku  Qancineyso   Dunida   Si  Aad  U  Hesho   Aqoonsiga   Aad    Yaboohineyso,  Mana  Aha  In   La  Aamino   Dad  Aan   Sooyaalka   Waxba  Ka  Garaneyn   Soo   Jireen   Taariikheedna   Aan  Noqon   Karin   Waayo  Waxay  DHawacayaan  Nidaam   Dawladnimada  S/land  Waxaana   Galaya   Madmadaw.

3: (Carry  Outers) Dadka  Qaadayaa   Waa   Dad   Noocee  Ah  Ma  U  Qalmaan,  Ma  Karayaan  Iney  Jabiyaan   Darbigaa  Adag  Ee  Mudada  25ka  Sano  Ah  La  Jabin  Kari  Waayey,  KHibrad   Ma   U   Leeyihiin  ,  Ugu  Horeyn   Waa 




In  Laga  Fikiraa Dadka  Qaadaya    Iyo   Sidey   Caalamka  Qadiyadooda  Ugu   Qanci  Karo  Ama  Ay  U  Gudbin  Lahaayeen  (Proffetional  About   International  Relations)  Markaas  Waxa  Laga  Yaaba  Hadii  Rukniyadan  La  Asiibo  In   La  Guuleysan   Karo.

4:(THe  Place Of   Carries)  Meesha  La  Gaynayo   Maadaama  Ay  Dunidu   Ka  Kooban  Tahay  Shan  Qaaradood   Miyaa  Lawada  Gaadhsiinayaa,   Ma   Meel   Gaara  Ayaa  Dunidoo  DHan  Loogu  Wada  Gaynayaa   Qadiyada   Mise  Meelo  Gaar-gaara   Tani  Waxay  U   Baahan  Tahay   Dibloomaasiyiin   Ka    Dabaalan   Kara,  Pro   Samater   Oo   Hadalkiisii  Wata  Ayaa  Xusey  In   Hadii  Qodobadan  Doorka  Ah  Lagu   DHaqmo  Ay   Wax  Badani  Furfurmaan   Dunida  Inoo  DHago  Nuglaato  Karto.

DHinaca   Kale   Saaxada   Dibloomaasiyada   Iyo   Suuqa   Falanqaynta   Siyaasada   Reer   Galbeedka  Ee  Saldhiga  U  Ah   Dawladnimada  Ama  Si  Gooniya  U   Saamaysa   Hab-dhaqankooda   Maamul  Ayaa  Aaminsan   In   Midnimada   Soomaaliyeed   Faa,iido   U  Lahayn    Danta   Reer   Galbeed   Iyo   Dawlado   Waaweyn   Oo    Afikana  Isla   Markaana La   Daneeyo.

Sidaa   Awgeed   In   La   Kala   Go,aa    Ay   Muhiim  Tahay   Si  Ay  U  Wiiqanto   Cududa,   Iskaashiga,  Gaashaanbuureysiga,  Awooda,  Iyo   Siyaasada  Umada  Soomaaliyeed  Gaar  Ahaan  Waqooyi  Iyo  Koonfur  Kuwii  La  Kala  Odhan  Jirey ,  Walee  Waa  Talo  Soo  DHaweyn   Mudan  Ama   Jaanis  Ay  S/land   U  Haysato  Iney  Qadiyadeeda   Iib   Gayso,  Suuq  Macquula   U  Hesho  Oo   U  Baahan   Bislaansho  Dibloomaasiyadeed   Seeskeedu  Adag  Yahay,   Xamilkeeduna   Badan   Yahay   Waliba  Ku  Darsoo   Quwad  U  Leh  Sidey  Bahasha  Salka  Iyo  Halka  Laga  Filayo  Ay  U  DHigi  Lahaayeen.

 

FAALO:  W/Q : C/RAXMAAN     SAYID    FAARAX  (JEESTO)

DIPLOMATIC  ANALYIST

GABILEY:SOMALILAND

EMIAL: [email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.