Maxkamada Sare Ee Dalka Pakistan Oo Sheegtay In Cadaymo Loo Waayey Eedaymo Xilka Lagaga Qaadi Lahaa Madaxweyne Nawaz Sharif


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 18:05:01
Maxkamada Sare Ee Dalka Pakistan Oo Sheegtay In Cadaymo Loo Waayey Eedaymo Xilka Lagaga Qaadi Lahaa Madaxweyne Nawaz Sharif

Maxkamada sare ee dalka Pakistan ayaa shaacisay in aysan cadaymo ku filan u haynin eedaymo musuqmaasuq oo xilka laga qaadi karo raisalwasaare Nawaz Sharif.

Taas badalkeedana waxay maxkamaddu amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo lacago la xawilay.

Waxaa su'alo ka soo ifbaxeen heshiisyada ganacsi ee qoyska Sharif ka dib markii saddex ka mid ah carruurtiisa lala xiriiriyay xisaabaad bangi oo ay ku leeyihiin dibedda sida lagu baahiyay xogtii la du suyay ee Panama.

Sharif iyo qoyskiisa ayaa beeniyay eedeymahaas.

Waxay eedaymahan ku tilmaameen in ay yihiin kuwo la siyaasadeeyay.

Kiiskani ayaa ahaa mid si wayn loo




hadal hayay bilooyiinkii ugu danbeeyay iyada oo la saadaalinayay in arrintani ay go'aamin karto mustaqbalka raisul wasaare Sharif.

Ku dhawaad 1,500 oo boliis ah ayaa loo daadgureeyay dhismaha maxakmadda oo ku yaala Islamabad.

Mudaaharaadeyaal isu soo bax ku qabtay meel u dhaw maxkamadda ayaa Sharif ugu baaqay in uu xilka isaga dago waxayna ku dhawaaqayeen "Xilka ka dag, xilaka ka dag Nawaz", sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Suuqyada saamiyada ayaa sare u kacay ka dib go'aanka maxkamada ee sida wayn loo sugayay.

Maxkmadda sare ayaa aqbashaday dabayaaqadii sannadkii hore in ay baaritaan ku samayso xisaabaadka uu Sharif ku leeyahay dibedda ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka uu ku hanjabay dibad baxyo wadooyiinka dalkaasi lagu qabto.

Baaritaankan ayaa diiradda lagu saarayay lacago loo isticmaalay hanti looga iibiyay London iyada oo la isticmaalayo shirkado Pakistaan dibadeed ka dhisan.

Gabadha uu dhalay Sharif ee Maryam ah ayaa la sheegay in ay quud daraynayso in ay siyaasadda meel sare ka gaarto halka wiilashiisa Xasan iyo Xuseen-na eedeeyn loo soo jeediyay

Sharif ayaa sheegay in hantidiisa uu ku helay wado sharci ah. hase yeeshee dadka dhaliila ayaa sheegay in shirkado dibada ah loo adeegsaday qarinta lacagtaas ama laga cararay in canshuur la bixiyo.

Golaha maxkamada sare oo ka kooban 5 xubnood ayaa ku kala qaybsamay gudoonka maanta oo khamiis ah , laba garsoore ayaa ka soo horjeedsaday raisul wasaraha balse sadax garsoore ayaa amray in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo.

Xisbiga Pakistan Muslim League - (PML-N) ayaa bogaadiyay go'aanka kuna tilmaamay guul halka gabadhiisa Maryam ay barteeda tweetar-ka ku soo qortay "Mahad oo dhan alle ayay u sugnatay."

 

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.