Habar Jecloy Muse waa kaa By:- Gud. Fu'ad Hussein TORONTO


(Hadhwanaagnews) Thursday, April 20, 2017 18:39:04
Show wiil yar oo muse adeer u yahay ayaa geedka dushiisi ku dhuuntay si uu dhagaysto suaalaha Muse la waydiin doono, mudo ka dib wiilkii yara kaadi

Berigaan yara waxaan maqli jiray Habarjeclooy Muse waa kaa, waxaan is waydiyaa tolow maxay ku baxday? Beri dhawayd ayaan sheekada baadhay ogaadayna in nin la odhan jiray muse oo ahaa nin geesiya, deeqsiya, aftahana, dagaalyahanna (Waa halka mujahidku inoogu jiro iminka)  laakin aan dulqaad lahayne isu

sharaxay madaxtinimo reereed ama beel ka mid ahayd beelihii markaa jiray ka dibna beeshii goaansatay iney tijaabiyan dulqaadka ninkii Muse, hadaba sidan ayey u dhacday tijaabadii ama imtixaaniddii Muse; sida caadada ahaan jirtey geed wayn oo damal ah hadhwaynna leh si wanaagsanna hoostiisa loo goglay (Waa halka madaxtooyadu inoogu jirto oo kale iminka) ayaa shirkii lagu balamay in lagu qabto suaalana




lagu waydiiyo ama lagu waraysto Muse. Nasiib darro ama nasiib wanaag

Show wiil yar oo muse adeer u yahay ayaa geedka dushiisi ku dhuuntay si uu dhagaysto suaalaha Muse la waydiin doono, mudo ka dib wiilkii yara kaadi ayaa qabtay waanu xejin kari waayey oo way ka soo baxsatey waxayna kaadidi gaadhay golahii Muse loo sharaxay, hadaba halka ay sheekada xikmadeedu ku jirtaa waa ninkii Muse oo intuu cadhooday wiilkii yaraana geedkii kala soo degay dhengad dabada u qabtay!!! Dee Muse imtixaan kale iyo suaalo kaleba cidi may waydiine waxaa halkaa ka cadaaday sida Muse aanu wax dulqaad ah u lahayn reerkina waxay goaansadeen in aan Muse xukunka lagula degdegin. markaa waxaa baxday hal hayska la yidhaahdo Habar Jecloy Muse waa kaa.

 

Gud. Fuad Hussein

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.