Haayada Zam-zam Foundation Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 900-oo Qoys Oo Ku Nool Awdal Iyo Gabiley


(Hadhwanaagnews) Friday, April 21, 2017 09:32:20
Halkan Ka Akhriso Warkan.

Hargaysa(HWN):-Haayada zam-zam Foundation ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey 900-oo qoys oo ku nool deegaanada Tuli iyo Xidhinta ee Gobolada Awdal iyo Gabiley.

Deeqdan oo isugu jirtay noocyada kala duwan ee raashinka waxa ka warbixiyey kana hadlay meesha ay ka timi guddoomiyaha Haayada Zam-zam Foudation  Maxamed Axmed waxaana uu yidhi :-“maanta waxa aanu raashin qaybin ka wadnaa abaaraha ku saabsan haayad ahaan deegaanka xidhinta taas oo ka timi  bangiga horumarinta islaamka lana soo mariyey haayada Zam-zam Foundation qaybtii ugu dambaysay oo ay maanta




ka faaidaysan doonaan afar boqol oo qoys kuna qaateen goobta xidhinta oo ka tirsan degmada allaybaday ee gobolka gabiley”.

Maxamed Axmed waxa kale oo uu sheegay in haayada Zam-zam Foundation ay muddo badan soo waday hawlaha la xidhiidha dhinaca samafalka:-“waxa aanu hore u soo wadnay mashruucan raashin qaybinta ah oo sagaal boqol oo qoys ahaa waxaana aanu maanta gabagabadii ku qaybinaynaa degmada allaybaday”.

Sidoo kale waxa isaguna goobtaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Allaybaday waxaana uu haayada Zam-zam Foundation uga mahadceliyey deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiisay dadka abaaruhu saameeyeen:-“ilaahay waxa aanu ugu mahadnaqaynaa in cunto loo keenay dadkii abaaraha iyo runtii dadkii taagta darnaa ee deegaanka oo ay u keentay haayada zam-zam foundation”.

Xubin ka tirsan guddida abaaraha ee Gobolka Gabiley oo isaguna qaybinta deeqdaasi raashinka ah ka hadlay ayaa ka codsaday haayada Zam-zam Foundation iyo Bulshada somaliland in si weyn looga war hayo dadka abaaruhu saameeyeen isagoo mahadnaq gaara u diray Haayada Zam-zam Foundation oo deeqdan raashinka ah gaadhsiisay dadka abaaruhu saameeyeen

Sidoo kale haayada Zam-zam Foundation waxa ay deeq raashin ah oo kale gaadhsiisay 500-oo qoys oo ku nool deegaanka Tuli oo ka tirsan Degmada Dilla ee Gobolka Awdal.

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.