Soomaaliya Oo Marti Gelin Doonta Tartan Kubada Cagta ah + Wadamada Ku Wada Ciyaari Doona


(Hadhwanaagnews) Friday, April 21, 2017 11:17:24
"“In lagu qabto ciyaaro saaxibtinimo magaalada Muqdisho waxa ay dhiirigelin doontaa ciyaaraha,

Muqdisho (HWN) - Guddoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta ee qaramada Qaaradda Afrika Axmed Axmed ayaa dhawaan booqday magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho ayaa xusay in ay magaaladda Muqdisho ka dhici doonto ciyaar heer calami ah oo ay wada yeelan doonaan wamada soomaaliya iyo Djabouti.

hadal kooban oo uu jeediyay waxa uu ku sheegay in ciyaartaasi ay tusaale u noqon doonto nabada ka jirta magaaladdaasi waxaanu yidhi "“In lagu qabto ciyaaro saaxibtinimo magaalada Muqdisho waxa ay dhiirigelin doontaa ciyaaraha, isla markaana waxa ay  qeyb qaadan karaa dib




u soo noqohada sharafta ciyaaraha ee dalka Soomaaliya waxaana aan ku casuumay dalka Jabuti iyo Soomaaliyaba in ay tartan saaxibtinimo qabtaan,”ayuu yidhi Axmad.

Hadhwanaagnews/Office

Muqdisho/Soomaaliya




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.