Golaha Wasiiradda Puntland Oo Ka Shiray Urur Diimeedka Asaaciduun Bil Xaq + Amarro Adag Oo Ay Ka Soo Saareen


(Hadhwanaagnews) Friday, April 21, 2017 11:42:13
"“goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland,

Garoowe (HWN) - Golaha Wasiiradda Puntland ayaa kulan ka yeeshay Urur Diimeed  lagaga dhawaaqay deegaamada Maamulkaasi oo la baxay Asaaciduun Bil Xaq.

shir muddo socday oo ay golaha Wasiiradu yeesheen waxa ay ku go'aamiyeen in dalka laga mamnuuco ururkaasi isla markaana albaababada loo laabo xarumaha ururkaasi.

qodobada laga soo saaray shirkaasi ayaa u dhignaa sidan  "“goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland, ka dibna gacanta lagu dhigo meelaha xarumaha u ah ururkaas, Lagana cayriyo shaqada xubin kasta oo lagu ogaado inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedkaas” ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka gollaha Xukuumadda Puntland.






style="font-size:16px;">Hadhwanaangews/Office

Garoowe/Puntland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.