Socdaalkii iyo Waxqabadkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America. Mustafa Cartan.


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 22, 2017 01:05:34
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafa Cabdi Cartan oo socdaal iyo soo dhawayn tageerayaal xisbiga ku soo biiray

 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafa Cabdi Cartan oo socdaal iyo soo dhawayn tageerayaal xisbiga ku soo biiray ka waday dalka Canada  wuxuu bishan badhtamaheedii ku soo gaba gabeeyaya magaala madaxda dalka Canada ee Ottawa.
 
 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafa Cabdi Cartan, wuxxu 29 bishii April ,2017 ku soo dhaweeyey magaalada Toronto ee Dalka Canada labdii Garab ee ka soo diga rogtey Xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Wadani. Xaflad aad u weyn ayaa ka dhacady magaaladaas waxaan ka soo qayb galay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Axmed Muumin Seed oo kala soo qayb galay xaga khadka Telifoonka, Gudoomiye Mustafe wuxuu halkaas ka balanqaaday inuu si buuxda u soo dhawaynayo xubnaha iyo




madaxda reer Noth America ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye.
 
Gudoomiye Mustafa wuxuu 12 May ,2017 isaga iyo Aqoonyahan Jamaal ka qayb galeen xaflad lagu soo dhawaynayey xubno ka soo diga rogtey Xisbiga NewUcid , wuxuu kaloo halkas kaga qayb galay xafladii 18 May ee lagu qabtay Alberta Magaalada Edmonton.
 
15 July ,2017 wxuu Gudoomiye Mustafa u socdaalay magaalada Ottawa isaga iyo xubno kale oo ka mid ah madaxda Xisbaiga ee North America iyagoo halkaas ka qayb galay xaflad lagu dar dar gelinayo sidii loogu uruurin lahaa dhaqaale Xisbiga iyo sidii looga qayb geli lahaa muraaqibiinta tagaysa  dalkii.
 
Gudoomiye Mustafa wuxuu dhawaan gaala bixinyaa ama socdal ku tegayaa Laamaha USA ee Xisbiga , kuwaas oo uu kala qayb gelayo dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada uu  Xisbiga kulmiye  gali doon.
 
Alla Mahad Leh
North America Kulmiye Media..
 
Kulmiye Guul iyo Houmar.



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.