Nuxurka Wareegto Uu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Digniin Ugu Diray Bahda Garsoorka Somaliland


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 13, 2017 11:57:30
Nuxurka Wareegto Uu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Digniin Ugu Diray Bahda Garsoorka Somaliland

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha maxkamada sare ee soomaaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu bahda garsoorka uga digay inay ku milmaan xisbiyada siyaasada somaliland.

Wareegtada uu soo saaray gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo nuqul ka mid ah Hadhwanaagnews heshay ayaa dhignaa sidan:-

“Waxa lala socodsiinayaa dhamaan gudoomiyayaasha, garsoorayaasha hawl wadeenada garsoorka dalka Jamhuuriyada somaliland inay mamnuuc ka tahay  inay ku milmaan siyaasada xisbiyada qaranka.

Sidaas darteed waxa laydinka digayaa inaad dhex gashaan siyaasada xisbiyada qaranka, cidii dhex gashana in talaabo sharci ah laga qaadi doono.”

 

Allaa Mahad Leh

Aadam X. Cali Axmed

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee JSL






style="font-size:16px;">Ahna gudoomiyaha guddida Cadaalada




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.