Maxamed Cali Iyo Shacabka Awdal Midh Dan Iyo Dirir Ah Baan Idhi, Dawladana Midh Daw Ah Baan Idhi !! Dr.Khadar-Libaaxley.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 06:48:06
waxa aad tahay nin reer awbare ah, waxba dabada awdal ha soo galine killinka 5aad ayaa kuu baahan, dalkaagii

Murti:

Hal   waa  yaab,  hal-na  waa   ammakaag,  hal-na  waa  yaabka-yaabkii.

1. Hal  waa  yaab :  oo  odayada cuqaasha  iyo  sulaadiinta  qaar  ka  mida  makaahiil  makadoor  ayaa  dhawaan  warbaahinta  la  hor  yimi  iyagoo  hanjabaad  hawada  u  marinayaan(saylici) food  saarkuna  yahay  erayga ( dawlada) oo  ku  goodiyaayey  in  xillalkii  loo   soo  celiyo  shaqaalihii  erigooda  food  saarka  looga  dhigay  u  olloleyn  xisbi mucaarid  ah  cadeymo  muuqda kadib  iyo  ku  takri  falida  hantida  dawlada.

2. Hal-na  waa  ammakaag:  falkaa  shaqaalaha  la  eryay  ee  waliba  duqeyda  iy  waxgaradku  gardaro  ugu  doodayaan;  waxa  sifahaa  khaldan  sii  xoojiyey  markale( xildhibaano  iyo  dhalinyaro  u  badheedhay  gardarada  garabka  haysata ) iyaga  oo  warbaahinta  goolaaftan, dhaar  colaadeed  ku  goodiye 




si  ba’an.

3. Hal  kalena  waa  yaabka  yaab  kii :  Maxamed   cali  aw  cabdi   wuxu  yidhi: ( reer  kayga  makaahiil  shaqaalaha  dawlada  ee  heer  gobol  ee  xilligii  ololihii  iyagoo  shaqaale  ah   xisbiga  mucaarad  ka  ee  aan  sharaxnaa   u  ololeynaayey !! gardaranaa  dawladu  maxay  iigu   daba  mareysaa ?!  haday  dawladu  deyn  weydo  shaqaalahaasi !! waxa  ku  dhici  doona  qosol  gariir !! farta  oo  ay  dhexda  ka  qaniinto  iyo  qoomamo !!  cida  uu  hadalka  u   wadey   waa  la  garanayaa!!).

4. Maxamed  cali   hal   u  dan  iyo  dirir  ah :  waxa  aad  tahay  nin  reer  awbare  ah,  waxba  dabada  awdal  ha  soo  galine  killinka 5aad   ayaa  kuu  baahan,  dalkaagii  iyo  deegaankaagii  ayaa  dayacani  halkan  hadal  iyo  hanjabaad  kaagama  furnee  qabo  dalkaagii  oo  awbare  gobolnimo  u  raadi  adiga  iyo  inta  meherad  laawaha  somaliland  ku  ah;  qof  ahaan   waan  kuu  khajilay  waayo  inta   aad  shaqaale  le  xill  haya  oo  la  eryi  karo   ka  hadlayso ( miyaad  horta  ka  hadashid  xafiisyo  loo  dhiso ; 25  wasaaradood  oo  gobolka  jooga  ayey  mid  iyo  laba  xafiis  leedahay!!   waxa  cadaatay dantii  reerkaaga  ayaad  ka  hor  marisay  dantii  guud !! waxa   muuqatay  in  aaney  jirin  lexejeclo  aad  u  hayso  dadka  iyo  dalkaba) illaahay  ayaa  goor  roon  u  mada  ka  qabtay  adiga   iyo  xisbigaagii, orod  isqari  ama  tooba  dheh.

5. Hal  kale  oo  aan   idhi :  odayada, xildhibaanada  iyo  dhalinyarada  marwalba  warbaahinta  waxa  aad  la  tubantihiin  wax  dadka  reer  somalliland  aan  fagaarayaash  la  imanin  oo  dadka  badabkii   ka  yaq-yaqsoodo  oo  ah ( kii  hadlaaba  in  uu  yidhaa WAANU  BADAN  NAHAY, ANNAGAA    UGU  BADAN !! XOOLAANU  HAYSANAA,  CASHUUR  BAANU  BIXINAA !!)  intaa  cid  kale  oo  tidhaa  dalka  ma  jirto!! tolkayow   iska  dhaafa  khajilaade   waan  idiin  yax-yaxay !!  waa  ayo  cid-dan  idinkula  muranta   maalin  walba  waad  yartihiin ?  eed  iska  dhicisaan   mise   raganimo  ayaad  u  haysataan  in  ay  tahay !!  gayiga  somalida  dhaqanka  jira  lama  arag  LAAN  DHEERE  nin  sheegta  oo  CABASHO  iyo  OOHIN  wada  mar walba  ceeb!! daliil  waxay  u  tahay  khiyaamo  mooyee  waxba  inaanay  ka  jirin  waxa  aad  shubeysaan !! illaahay  ayaa  waxna  badiya  waxna   yareeya!! rabi  u  toobad  keena  nimanyahow!! mida   kale  xoolahan   iyo  cashuurtan  aad   ka  sheekaysaan   ma  wax  dhaafsan  baa ???  bakhshiish  ka  iyo  wakiilnimada  meheradaha  habar  awal  ay  borama  ku  leedahay??!  ma  raganimaa  mise  waa  wax   lala  xishoodo , annaa  cid   kuu  xiga  e’  tolkayow  khajila,  khajila, khajila   oo  hadaad  annaga  naga  xishoon  weydeen  ummada  reer  somaliland  ka  xishooda??? waa  ceeb  yar   iyo  weyn   sharaf  dhac  isku   raacu.

6. Hal  daw  ku  ah  baan  lee  yahay  dawlada :   gobolka  awdal  25  iskuduwe  ayaa  jooga  oo  u  taagan  25  wasaaradood  hal  ama  laba  ayaa  xafiisyo  leh  waa  dibad  wareeg   inta  kale ;  17  toban  ka  mid  ah  waa  isku  beel  kaliya  beesha  makaahiil  makadoor  cadeyna  waan   hayaa; ugu  horeyn  dawlada  waxa  laga  rabaa  xisbiga  kulmiye  hortii  dawlad waxqabata  maanaan  arag e’   in  la  dhiso  xafiisyada  dawlada  ee  gobolka;  marka  xiga  ( reer  awdal  dhexdooda  ayaa  saami  qaybsi  cadaalada  u  baahan  e’  25  kan  isuduwe  iyo  soo  buuxinta  inta  dhiman  kadib  si  dhexe  oo  cadaalada  haloo  qaybiyo  awoodaha  gobolka  oo  dhamaan  beelaha  awdal  oo  dhan  oo  ay   ku  jirraan  beelaha  ciise   iyo  gabooye  -  bartaasaa  u  baahan  saami  qaybsi  halaga  bilaabo   hawsha  oo  yaan   naloo  maqlin   qaylada  iyo  oohinta  in  dan  leh.)

Gunaanad:

 

Nabad  baa  naas  leh  ha  lagu  faro  adeygo  nabad  galyada, midnimada  ummada  iyo  wada  jirkeeda,  gees  walba  halaga  shaqeeyo  dhayida  diifta  nabaradii  doorashada; dhan  walba  saami  qaybsi   daah  furran  ha  la   diyaariyo.

 

Waar   caanaha   dhan  iyo  hoo  adigu  dhan

Baa     baa   la  isku   dhiibaaye, mid   haduu

Dhameystoo   qudh-qudho   dhiilka  wada  laaco

Dhaqan  keena   ceeb  bay  aheyd  tani  dhaga  somali.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

[email protected]

[email protected]

Regional political analysts

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.