Aan Ooyee Albaabka I Xidha... Maalin Kale Oo Madow & Al Qudus.


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 07, 2017 14:13:24
Muslimiinta waxa halkaas dhigay hogaamiyayaashooda waxayna ku jiraan waqti aad u adag oo ay halis ku jirto diintooda & dadnimadoodba

Awoowgey ninkii indhaha tiray

Ninkii aabbahay adoonsaday

Ninkii aniga i iibsday

Ninkii ifka igu adduun tiray

Itaal li'i baa ishaa i bidee

Haddaan ogohaan ka aarsan karayn

Haddaan aadanow unuunka jarayn

Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee

Aan ooyee albaabka i xidha !.....ANX Abwaan Barkhad Cas.

Waxay argagax iyo bahdilaad u tahay dunida muslimka in hadh cad Mr trump sheego in Qudus ay tahay caasimada yuhuuda.. Ishiisa laga arka ushii lagu tumaa. Maanta duni muslim iyo mid carbeed oo nooli ma jirto. Waa sida somalida oo xoogoodii & cilmigoodii reer , gobol & dawlad midba tii ku xigtay ku dhameeyey oo maanta aan waraabaha iska soo hoynayn. Kuligood waa col daahi




go' ay oo mid mid bixinaya ma jiro iska daa inay difaacanba muqdasaadkoodee. Bal u fiirso dunida gaalada mid masiixi ah & mid dab caabuda intuba waa dhisan yihiin xoog & xoolaba oo maanta karamadooda diineed & nololeedba cid u soo badheedhaysa ma jirto. Keliya waxa la isku dhafaay hogaamin tolmoon .  Muslimiinta waxa halkaas dhigay hogaamiyayaashooda waxayna ku jiraan waqti aad u adag oo ay halis ku jirto diintooda & dadnimadoodba. Allah waxaynu ka baryaynaa inuu ummada muslimiinta mideeyo xoogooda & caqligoodba.

 

Allah mahad leh

Saeed A dualeh

Bristol, Uk.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.