Madaxwayne Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc)


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 11, 2018 15:35:18
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc)oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2018, Gobolka Togdheer Magaalo madaxdiisa Burco.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa  halgankii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka




Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin.

 

                Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.