Diyaaradaha Wadaniga Ah Sida Daallo Airlines Iyo Jubba Airways Oo Aad Mar Walba Raacdaa, Waxay Faa'Iido Weyn Uleedahay Dalka Iyo Dadkaba


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 11, 2018 15:44:48
Warbaahinta iyo Akhristayaashuba way salaaman yihiin.

Nabadgelyda mudada dheer ka jirtay Somaliland iyo dib u dhiska dhowaan lagu sameeyey Garoomada diyaaradaha ee Hargeisa iyo Berbera, waxay soo jiiteen indhaha shirkado badan oo caalami ah kuwaas oo qaarkood duulimaadyo joogto ah ku tagaan Somaliland, halka kuwo kalena la filayo inay dhowaan duulimaadyo toos ah ka bilaabaan dalka. Dhinaca kale, dib u dhiska ka socda Somaliya iyo jiritaanka dawlad aduunku ictiraafsan yahay, waxay iyana dhiirigelisay inay shirkado badani duulimaadyo ka bilaabaan garoonka Muqdisho.

Sida runta ah, dawladaha Somaliland iyo Somaliya way soo dhoweynayaan shirkad kasta oo diyaaradeed oo doonaysa inay duulimaadyo ka bilowdo dalalkaa, sababta oo ah waxay u baahan yihiin inay soo jiitaan




shirkado caalami ah. Dabcan, suuqa ganacsigu inuu xor ahaado oo shirkad kasta oo buuxisa shuruudaha laga doonayaa,inay duulimaadyo ka bilaabi karto Somaliland iyo Somaliya waa arrin sax ah, ganacsiga xorta ahina waa ka u suurtogaliyey shirkadahan wadaniga ah inay duulimaadyo muddo dheer ku tagayeen dalalka Djibouti, Imaaraatka, Saudiga, Ethiopia, iyo Kenya.

Marka aan hoos ugu daadego mawduucan, waxahadda suuqii safarka Somaliland iyo Somaliya soo galay shirkado waaweyn oo aan marnaba la barbar dhigi karin kuwa wadaniga ah, haday tahay tirada diyaaradaha ay leeyihiin (fleet), tirada rakaabka ay qaadaan sannad walba (traffic), goobaha ay tagaan (destinations) iyo dakhliga (revenue) soo gala midnaba. Tusaale ahaan, Turkish Airlines oo duulimaadyo ku tagta Muqdishowaxay leedahay 328 diyaaradood, waxay u duushaa in ka badan 300 goobood oo ku kala yaala 120 wadan, waxa u shaqeeya 23,995 qof, waxay qaadaa in ka badan 60 million oo qof sanadkiiba,  waxaana soo gala dakhli aad u badan.

Dhinaca kale, Ethiopian Airlines oo duulimaadyo joogto ah ku tagta Somaliland, waxay leedahay 95 diyaaradood oo hadda shaqeeya iyo 61 diyaaradood oo ay ka dalbatay shirkadaha diyaaradaha sameeya ee Boeing iyo Airbus, waxay u duushaa in ka badan 100 magaalo, sanad kastana waxay soo xereysaa dakhli aad u badan.

Flydubai oo ay leedahay xukuumada Dubai, wakhti aan fogayna la asaasay, lana walaalo ah shirkada weyn ee Emirates Airlines, isla markaana la filayo inay dhowaan duulimaadyo ka bilowdo Somaliland, waxay leedahay 110 diyaaradood (kuwo hadda shaqeeya iyo kuwo dhowaan hawlgali doona), waxaanay u duushaa 95 goobood oo ku kala yaala 44 wadan.

Sida muuqata, diyaaradahan ajnabiga ah ee ku soo badanaya Somaliland iyo Somaliya, waxay cidhiidhi iyo cadaadis xaga suuqa ah saareen shirkadihii wadaniga ahaa ee wakhtiyadii adkaa dalka iyo dadkaba sida hagar la`aanta ah ugu soo shaqeynayey. Shakhsi ahaan, kama soo horjeedo imaatinka shirkadahan ajnabiga ah, mabda` ahaana waxaanaaminsanahay in diyaaradaha oo bataa ay keenayso tartan dhex mara shirkadaha iyaga oo ku tartamaya kasbashada dhoofayaasha/macmiilka, tartankaas oo laga yaabo inuu faa`iido u yeesho dadka.  Aniga oo sidaa aaminsan, hadana waxa muhiim ah in aynu dib u xasuusano doorka muhiimka ahaa ee shirkadahan wadaniga ahi ay ka soo qaateen kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadida heerka nolosha dadka soomaalida ah ee ku nool Geeska Afrika.

Sidaad ogtahayba, diyaaradahan wadaniga ahi waxay muddo dheer ahaayeen gaadiidka keliya ee Somaliland/Somaliya ku xidha aduunweynaha, maadaama aanay tagi jirin shirkado ajnabi ahi, isla markaana aanay jirin tareeno, gaadiid dhinaca dhulka ah oo u habaysan qaadista rakaabka (Buses/Coaches), iyo gaadiid dhinaca badda ah (ferry) oo Somaliland/Somaliya ku xidha dalalka badda leh ee aynu jaarka nahay. Hubaal waxa ah, in diyaaradahan wadaniga ah la’aantoodin Somaliland/Somaliya ay noqon lahaayeen dalal go`doon ah oo ka go`an aduunka intiisa kale (isolated countries), nasiib wanaagse, waxa kaalintaa buuxiyey shirkadahan wadaniga ah oo iyagu u dhabar adaygay duruufihii adkaa ee ka hor imanayey wakhtiyadaa adkaa.

Dhinaca isku xidhka bulshada, diyaaradahan wadaniga ahi waxay qayb weyn ka qaateen isku xidhka qoysaska, qaraabada iyo guud ahaanba Qurbajooga iyo Qolqoljooga (dadka wadanka jooga). Imisa goor ayey diyaaradahan wadaniga ahi kuu suurtogaliyeen inaad waalidkaa, xaaskaagii/ninkaagii, caruurtaadii, walaalalahaa iyo dhamaan qaraabadaada oo aanad muddo dheer indho saarin inaad ku booqato dalkii hooyo. Bal qiimee, inta jeer ee diyaaradahan wadaniga ahi kuu suurtogaliyeen inaad qoyskaaga/caruurtaada geyso dalkii hooyo si ay u soo dalxisaan, ehel, asxaab, dad, diin iyo dalna u soo bartaan. Imisa jeer ayaa adiga oo la ildaran qabow kugu galay dalalka qabow ee Yurub iyo Amerika aad barqo dheer diyaarad wadani ah kaga degtay Berbera International Airport, adiga oo sanka la raacaya neecawda iyo naxariista ka soo dhacaysa dhinaca badda isla markaana jidhkaagu ku raaxaysanayo jawiga diiran ee Berbera. Ma wax loo dhigaa jira, adiga oo kulayl kugu dubtay dalalka aadka u kulul ee Carabaha oo subax hore diyaarad wadani ah kaga degay garoonka Hargeisa International Airport, halkaas oo ay ka dhacayso neecawdii qaboobayd/macaaneyd ee Masalluhu. Dhamaan safaradaa cida kuu suurtogalisay ee hadana kuula diyaarka ah ma cid kalaad mooday, saw diyaaradaha wadaniga ah maaha.

Shirkadahan wadaniga ahi waxay qayb libaax ka qaateen (ilaa hadana kaga jiraan) yareynta saboolnimada, kobcinta dhaqaalaha bulshada iyo taabogalinta nidaamka dawladnimo.Wakhtiyadii adkaa ee dhaqaalaha dadku sida aadka ah u hooseeyey shirkadahan wadaniga ahi waxay abuureen/fududeeyeen (ilaa hadana jira) shaqooyin badan, iyaga oo shaqaaleysiiyey boqolaal qof oo ka masuul ka ah amaba masruufa/biiliyaboqolaal qoys, oo ay ku sii tiirsan yihiin boqolaal qof oo kale.

Shirkadahani waxay lacagahooda ka dirtaan ama ku kaydsadaan shirkadaha xawaaladaha wadaniga ah, waxa xarumo u ah oo ay kiraystaan guryo dad muwaadiniin ahi leeyihiin, waxay isticmaalaan adeegyada isgaadhsiinta ee shirkadaha wadaniga ah, waxay diyaaradahooda iyo gaadiidkooduba isticmaalaan shidaal ay keenaan ganacsato muwaadiniin ahi, waxay camiraan Hotelada la seexdo maadaama ay seexdaan dadka socotada ah ee diyaaradaha raacaya ama ka soo dega, waxaanay kobciyaan ganacsiga Hudheeladaha cuntada maadaama rakaabka diyaaradaha raacaya ama ka soo degaa ay wax ka cunaan, sidoo kalena shirkaduhu waxay hudheeladaa ka qaataan cuntada lagu cuno gudaha diyaarada (Catering).

Intaa kuma koobna ganacsiyada sida tooska ah ama dadban ugu xidhan diyaaradaha, balse dukaamada iibiya qalabka computerada ee shirkadahani isticmaalaan, bakhaarada ay raashinka ka qaataan qoysaska shaqaaluhu, meheradaha iibiya qalabka xafiisyada iyo buugaagta, bacadlayaasha iyo carwooyinka dharka iyo kabaha laga iibsado,  Dawaarlayaasha tola direyska shaqaalaha shirkadaha, iskuulada ay dhigtaan caruurta shaqaalaha shirkadahani, gaadiidleyda Busaska, Tagaasida iwm ee shirkaduhu u kireystaan hawl maalmeedkooda, Kolayada qaadka ee ay la macaamilaan muqayiliinta shaqaalaha ka ah shirkadahan, maqaaxiyaha bunka iyo shaaha ee ku xidhan shirkadaha diyaaradaha, intaas iyo ka badaniba waa ganacsiyo waaweyn ama yar oo ay shirkadaha diyaaraduhu qayb ka yihiin kobcintooda iyo macaashkoodaba.

Ha ilaawin, shirkadahan wadaniga ahi waxay kaalin weyn kaga jireen taabogalinta nidaamka dawladnimo, iyaga oo sanad kastaba qasnada dawlada si toos ah ugu xereeya lacag Malaayiin Dollars ah oo khidmad ahaan looga qaado sida lacagta degitaanka diyaaradaha (landing fee), kharashka hagida (navigation charge), cashuuraha laga qaado xafiisyadooda dalka, iyo cashuurta laga qaado rakaabka raacaya diyaaradahaas. Sidaa daraadeed, diyaaradahani waxay safka hore kaga jiraan dakhliga dawlada ee lagu socodsiiyo hawlaha iyo adeegyada dawladu bulshada u qabato.

Waxaan ka markhaati kacayaa in shirkadahan wadaniga ahi ay muddo dheer ahaayeen gaadiidka loogu isticmaalka badan yahay dhinaca badeecooyinka ganacsi (Cargo) ee degdega ah, kuwaas oo laga soo daabuli jirey dalka Imaaraatka Carabta (Dubai). Dembi iga raaci maayo haddii aan idhaahdo tiro badan oo ka mid ah ganacsatada Somaliland/Somaliya waxay aad uga faa`iideysteen oo ganacsigooda iyo jeebkoodaba kobciyey, shirkadahan wadaniga oo si hagar la`aan ah ula shaqeeyey ganacsatadaa.

Horaa loo yidhi “Xoorkii laga dhamay Xagaagii hore, iyo xusuus baa geela lagu xergeeyaye”mar haddii dhamaan faa`idooyinkaa dhaqaale iyo dhaqan ee kor xusan ay shirkadaha diyaaradaha ee wadaniga ahi inoo leeyihiin, mar haddii xukuumadaha Somaliland/Somaliya ay dhiirigelinayaan suuqa xorta ah(oo ah talaabo sax ah),balse keentay in shirkado ajnabiah oo ka dhaqaale iyo diyaaradaba badan kuwawadaniga ahi ay suuqa soo galeen, mar haddii aynu qirayno in diyaaradahan wadaniga ahi ay wakhtiyo adag oo aduunyadu ka gacan taagatay tagitaanka Somaliland/Somaliya inay u badheedheen si hufana ugu adeegeen bulshada, mar haddii aynu intaa iyo ka badanba qireyno, maanta miyaanay haboonayn inaad u hiiliso diyaaradahan wadaniga ah oo aad raacdo mar kasta oo aad safrayso? Dabcan, aniga xagayga jawaabtu waa HAA iyo hala raaco diyaaradaha wadaniga ah.

Waxa laga yaabaa inaad isweydiiso faa`iidada gaarka ah ee ku jirta raacitaanka shirkadahan wadaniga ah. Aan ku xasuusiyee, qaabilaada iyo soo dhoweynta ay shaqaalaha shirkadahan wadaniga ahi kuqaabilayaan garoonka Dubai dhoofayaasha, iyaga oo si gaar ah u caawinaya qoysaska caruurta badan wata (large families) waana sida Soomaalidu u badan tahaye, dadka waayeelka ah ee jilicsan (elderly), da`yarta keligood safraya (Young persons and unaccompanied minors), dumarka uurka leh, iyo mar-dhoofka ku dawakhay duulimaadka, isla markaana tilmaan iyo warbixinba kasiinaya dhoofayaasha halka, goobta iyo goorta diyaaradu kacayso, weliba ka caawinaya wareejinta shandadaha ay sitaan, intaasi waa qayb ka mid ah faa`iidooyinka aad helayso marka aad raacdo shirkadahan wadaniga ah. Ku darsoo, waxa dhici karta sida aan marar badan u soo joogay, in rakaabka sita alaabooyinka badan, inay shirkadani miisaanka qayb ahaan ka dhaafi karaan iyaga oo eegaya macmiilnimada iyo Soomaalinimada labadaba. Hadaba, adeegyadaa wanaagsan ee uu kuu qabanayo qof afkaagii hooyo kugula hadlayaa, ma u malaynaysaa inaad ka heli karto shirkad ajnabi ah?

Haddii aanay intaasi weli ku qancin, bal qabsoo shirkadahan diyaaradaha ee wadaniga ahi waxay ku geynayaan wakhtiga Xagaaga/kuleylahameel kasta iyo goob kasta oo aad u socotay, haday tahay inay diyaarad kugu geeyaan iyo haday tahay inay buses kugu geeyaanba, halka shirkadaha ajnabiguay ku kooban yihiin garoonada waaweyn ee ay ka degaan oo keliya. Dhinaca Somaliland, ha filan inay Fly Dubaiama Ethiopian Airlines ku geyso Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, iyo Borama, sidoo kaledhinaca Soomaaliya, ha sugin inay Turkish Airlines ku geyso Baydhabo, Beledweyne, Jawhar, Jamaame iyo Kismaayo.

Meel kale haddii aan wax kaa tusaaleeyo, raacitaanka aad raacdo diyaaradahan wadaniga ahi waxay ka qayb qaadanaysaa joogteynta ganacsigooda (business sustainability), taas oo faaiido u leh dalka iyo dadkaba, sababta oo ah haddii ay suuqa ka baxaan shirkadahan wadaniga ahi, waxa meesha ka baxaya shaqooyin badan taas oo saameynaysa qoysas badan oo shirkadahan ku tiirsan dhaqaale ahaan. Haddii shirkadan wadaniga ahi suuqa ka baxaan, waxa suuqa safarka ee Somaliland/Somaliya la wareegaya diyaarado ajnabi ah oo marka ay doonaan jooojin kara duulimaadyadooda, siiba haddii dadka ama rakaabku yaraado iyaga oo ku andacoon kara in aan faaiido ku jirin suuqan (non-profitable route/market), waana arrin maalin walba dhacda, in diyaaraduhu meeshii aan faa`iido ugu jirin duulimaadyada ka joojiyaan. Sidaa daraadeed, haddii kuwii wadaniga ahaa suuqa lagaga saaro awood dhaqaale, kuwii ajnabiga ahaana joojiyaan duulimaadyadii saw dhibaato hor leh maaha? Dabcan, waa dhibaato meelo badan oo aduunka ka mid ahna waxalaga arkay saameynta arintan oo kale ay ku yeelan karto bulshada iyo dalalkaba. Tusaale ahaan, markii shirkadihii diyaaradaha ee dalalka Hungary (Malev Hungarian Airlines) iyo Cyprus (Cyprus Airways) ay kaceen sanadihii 2012 iyo 2015 sida ay u kala horeeyaan, suuqii waxa la wareegay shirkado ajnabi ah oo noqday ma-gafayaal. Hadaba, si aan hadhow cidla lagaaga helin, maanta muuji wadaninimadaada oo raac diyaaradaha wadaniga ah!

Ugu dambeyntii, waxa laga yaabaa inaad tidhaahdo diyaaradahan ajnabiga ah ayaa ka adeeg fiican kuwan soomaalida, sidaa daraadeed ayaan u raacayaa kuwa ajnabiga ah. Dabcan, isku dhaqaale maaha, isku diyaarado maaha, isku khibrad maaha, waxase aan hubaa inaad soo dhoweyn heer sareysa, kursigii aad dooratay oo nadiif ah, cunto iyo cabitaan dhadhan leh, iyo duulimaad degdeg kuu geeya adiga iyo alaabtaadaba halkii aad u socotay inaad ka heli doonto shirkadahan wadaniga ah. Midna ogow, lacagta aad ku raacdo shirkadahan wadaniga ahi, waxay dib ugu noqonaysaa dalkii iyo dadkeena, hase yeeshee lacagta aad ku raacdo shirkad ajnabi ahiwaa lacag ku deysey (leakage).Sidaa daraadeed, diyaaradaha wadaniga ah oo aad mar walba raacdaa, waxay faa`iido u tahay dalka iyo dadkaaad ka dhalatay.

Maanta halkaa ha joogto!

Cabdikariim Cali Baarjeex

Dip,BSC, MA,MSC Aviation Management

Aviation Consultant

[email protected]

www.eastafricaaviationconsultants.com

 

 

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.