Maraykanka Oo Qorshaynaya Inuu Wada Hadal La Furo Wadanka Kuuriyada Waqooyi


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:10:42
Maraykanka Oo Qorshaynaya Inuu Wada Hadal La Furo Wadanka Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wada haddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaadho xilliga ay ku habboon tahay.

Wadahadal ku dhexmaray Khadka Telefoonka Arbacadii, isaga iyo dhighiisa Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in, ayuu Trump ku sheegay inuu Mareykanka uu u furfuranyahay wadahadal uu la yeesho Kuuriyada Waqooyi.

Bayaan laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen muhiimmada sii waditaanka cadaadiska ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Talaadadi hore ay diblamaasiyiin ka kala socda labada Kuuriyada yeesheen wadahadalladi ugu horeeyay muddo sannado ah.

Source:-VOA









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.