Dawlada Soomaaliya Oo Shuruud Ku Xidhay Cafis Ay U Fidinayso Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah Ee Qaran Dumisnimada Ku Eedaysan


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:12:46
Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Cafis U Fidinayso Siyaasiyiin Ay Dhawaan Qaran Dumisnimo Ku Eedaysay

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa cafis shuruudi ku xidhan tahay u fidisay qaar ka mid ah siyaasiyiintii mucaaridka ahaa ee ay eedaysay.

Afhayeenka wasaarada amniga soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawlada soomaaliya ay cafis u fidinayso siyaasiyiinta ka soo horjeeda dawlada ee ku eedaysan qaran dumisnimada haddii ay joojiyaan dhaqanada lagu eedaynayo.

Afhayeenka wasaarada amniga soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiintan mucaaridka ah la siin doono cafis haddii ay joojiyaan wax uu ku sheegay dhaqankooda duminta iyo baabiinta rajada shacabka soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in hay’addaha amniga ee dawlada federaalka ahi ay isla afgarteen in




lala xisaabtamo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee eedaysan haddii ay mar kale isku dayaan inay soo celiyaan falalka lagu haysto.

 

 

Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.