Mudaharaado La Xidhiidha Kor U Kaca Heerka Nolosha Oo Hadheeyey Dalka Tuuniisiya Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:13:42
Mudaharaado La Xidhiidha Kor U Kaca Heerka Nolosha Oo Hadheeyey Dalka Tuuniisiya Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay

Ra'iisl Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada lagaga soo horjeedo barnaamijka gunti  giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aan la aqbali karin, waxanu sheegay in dad qaswadayaal ahi ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah oo ay  Isniintii ku dhinteen dad dibadbax samaynayey  ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xidhiidh ah  booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dibadbaxyada cusub ee




habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasa yeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

Mas'uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xidhay.

Ra'iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

Qaar ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa sheegay in aanay  u suuroobayn inay mushaharkooda ku noolaadaan maadaama qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabaha kalaba ay sare u kaceen.

Iyadoo ay sii kordhayso cadhada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaadhan oo ka dhan ah barnaamijka gunti giijiska ah ee xukuumada Tuunisiye.

Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu'gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaadhay dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo xooggan.

 

Source:-BBCsomali




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.