Dallada Jaaliydaha Somaliland Ee Qaarada Yurub Ee SSE Oo Si Adag Uga Digtay Mashruuca Fursad Fund, Soona Bandhigay Dacwad AyKa Gudbiyeen


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 15:43:45
Dallada Jaaliydaha Somaliland Ee Qaarada Yurub Ee SSE Oo Si Adag Uga Digtay Mashruuca Fursad Fund, Soona Bandhigay Dacwad AyKa Gudbiyeen

Hargeysa(HWN):-Dallada ay ku midoobeen jaaliyadaha somaliland ee qaarada yurub ee SSE ayaa si adag uga digtay qorshayaal ka soo horjeeda qaranimada somaliland oo ay ka dambeeyaan dadka ku midoobay ururka Fursad Fund oo  laga leeyahay dalka Soomaaliya.

War murtiyeed uu gudoomiyaha dallada SSE (Somaliland Society In Europe) soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayuu kaga waramay dacwado ururkaas oo ka dhan oo ay u gudbiyeen wasiirkii hore ee Qorshaynta Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo) kaas oo waxba ka qaban waayey.

War murtiyeedka uu gudoomiyaha dallada SSE soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa hubaal ah in qaranimada somaliland lagu hayo dagaal   siyaasadeed   oo  leh  wajiyo 




kala  duwan,  tusaale   ahaan  arimaha  dibeda  dhaqaalaha     iyo  caawimooyinka dibad,  sidoo  kale waxa dagaalada ugu waa weyn ee qaranimada somaliland lagu hayo ka mid ah furfurka iyo kala qaybinta bulshada, gaar ahaana waxa dagaal toos ah lagu hayaa wadaninimada dhalinyarada somaliland  iyo jacaylka u hayaan dalkooda somaliland.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa si sahlan looga  fahmi kartaa dagaalka joogtada ah ee lagu hayo dhalinyarada somaliland, kaasoo ku aadan faafinta bulsho mid ah oo wadaagta diin, af iyo suugaan isku mid ah. Waxa jira dhaqaaqyo iyo NGO loo sameeyay sidii ay u sahli lahaayeen faafinta iyo wacyi gelinta dhalinta si loo daciifiyo fikirkooda ku aadan aaminsanaanta jiritaanka Somaliland,  waxaana    jira  ururo uu ka mid yahay mashruuca Fursad Fund, Hiil Iyo Hooyo kuwaas oo ku hawlan  mashruuc ka soo horjeeda qaranimada somaliland isla markaana dagaal toos ah ku haya jiritaanka somaliland.

 Hadaba   waxaa  nasiib daro  ah  in  wasaarada  qorshaynta  qaranku   ay ogolaansho siiso ururadaas ka soo horjeeda qaranimada somaliland, waxaanay wasaaradu khilaaftay xeerka (Xeer Lr. 43/2010) .

 Hadaba   Fursad  Fund     iyo  joogitaankeeda   Hargeysa   waa  mid  halis  iyo dhaawac  ku  ah  qaranka  somaliland  waxayna  ka  hor  imanaysaa  jiritaanka  qaranimada  somaliland   iyo dastuurka dalka gaar ahaana xeerka (Xeer Lr. 43/2010) , xeerkaas oo golaha wakiiladu ansixiyey   2/10/2010    islamarkaana    madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Siilaanyo uu ku dhaqan galiyey digreeto madaxweyne oo soo baxday 10/11/2010.

Hadaba Dallada SSE anaga oo wakiil ka ah jaaliyadaha qaarada Yurub iyo ururo kale oo reer somaliland ah waxaanu marar badan si hufan u gudbinay dacwad ka dhan ah mashruuca laga soo hago soomaaliya ee FURSAD FUND, balse waxa nasiib daro ah in wasiirkii hore ee qorshayntu uu ka gaabiyey inuu talaabo ka qaado mashruucaas.

Wasiirkii hore ee qorshayntu waxa uu tiraba afar jeer oo kala duwan noo balan qaaday inuu xidhayo mashruuca FURSAD FUND, balse waxa uu xilka ka dagay isaga oo aan xidhin, anagana wakhti badan ayaa nagaga lumay dacwada mashruucaas iyo balanqaadyada aan fulin ee wasiirkii hore ee qorshaynta.

Ugu dembayn waxaanu bulshada somaliland ku war gelinaynaa inay fiiro dheeraad ah u yeeshaan mashruuca Fursad Fund oo ah mid ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka somaliland, waxaanan dhawaan soo bandhigi doonaa xaqiiqada ku saabsan dacwada aanu ka gudbinay iyo sida looga gaabiyey fulinta dacwadaas.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.