Wasiir Ku Xigeen Hore Oo Shaaciyey Inuu Sugayo Wakhtiga Madaxweyne Muuse Xil U Magacaabayo


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 21:18:52
Wasiir Ku Xigeen Hore Oo Shaaciyey Inuu Sugayo Wakhtiga Madaxweyne Muuse Xil U Magacaabayo

Hargeysa(HWN):-Wasiir u xigeenkii hore ee wasaaaradii dib u dejinta  Aadan Cabdile ayaa sheegay inuu madaxweyne Muuse Biixi ka sugayo inuu xil u magacaabo.

Wasiir ku xigeenkii hore ee dib u dejinta oo ka hadlayey munaasibadii uu xilka ku wareejiyey ayaa waxa uu sheegay inuu hada yahay xil suge firfircoon waxaanu yidhi “Anigu halkan waxaan imid oo aan xilka la wareegay 2015 bishii November imikana waan wareejinayaa, bishii March ee sanadkii 2014-kiina waxaan agaasime guud ka ahaa wasaarada diinta iyo awqaafta imikana waxaan ka mid ah golaha xil sugayaasha, waliba xubin firfircoon ayaan ka ahay, markaa xilku wuu iska imanayaa laakiin waxa ina deeqda somaliland




oo qurux badan.”ayuu yidhi Aadan Cabdile.

Inta badan masuuliyiintii xilalka ka hayey xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ayuu madaxweyne Muuse Biixi ka saaray dawlada uu soo dhisay, waxaana xubno badan oo ka mid ahi sugayaan in madaxweynaha cusubi xilal u magacaabi doono.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.