Xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti Oo Aragtiyo Iska Soo Horjeeda Ka Qaba Kuraasta Kootada Loogu Xidhay Haweenka


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 21:43:41
Xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti Oo Aragtiyo Iska Soo Horjeeda Ka Qaba Kuraasta Kootada Loogu Xidhay Haweenka

Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada mucaaridka iyo muxaafidka ah ee baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba kuraasta kootada ah ee loo xidhay haweenka.

Xildhibaan Ducaale Cige Coofle oo ka mid ah xildhibaanada mucaaridka ah ayaa dhaliilay kuraasta kootada loogu xidhay haweenka waxaanu sheegay inay u qalmeen tiro intan la ansixiyey ka badan waxaanu yidhi   “Anagu hadaanu nahay xisbiga mucaaridka ah waxaanu goosanay in haweenka kooto loo xidho 25 sano ka hor, waxaanan doonaynay in laga dhigo 50% waayo haweenka wadanka joogaa intaas  imika la ansixiyey ee 25% way ka badan yihiin sidaas ayaanan u doonaynaa in looga badiyo balse xukuumadu waxay sheegtay inay u




yaryaraynayso.”

Xildhibaan Caasha Dhabar Geelle oo ka mid ah mudanayaasha muxaafidka ah ayaa dhinaceeda ka hadashay  aragtida ay ka qabto kuraasta kootada ah ee haweenka loo xidhay waxaanay tidhi “Maanta waa maalin taariikhi ah oo weyn waayo waa maalin la aqoonsaday oo la ansixiyey wax qabadka haweenka ee waaxyaha ay dalka kaga jiraan, hooyada guriga fadhida, mida siyaasada ku jirta, mida dawlada xilka ka haysa iyo ta ganacsiga ku jirtaba waxay u tahay guul weyn oo u soo hoyatay,  guushaasina waxay ka dhigan tahay xaqii ay lahaayeen haweenka oo talaabo muhiim ah loo qaaday,  tirada 25% ee loo qoondeeyeyna waxay ka turjumaysaa siyaasada hufan ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.” Ayey tidhi Xildhibaan Caasha oo la hadashay VOA.

Sidoo kale xildhibaan Caasha waxay sheegtay inay ku hawlan yihiin sidii ay tiro intan ka badanu heli lahaayeen mustaqbalka waxaanu yidhi “Aduunyadu talaabo ayey ku socota, halka aanu ka nimid iyo halka aanu ku socono waxay u baahan tahay miisaan iyo xilkasnimo, talana isha lagama tuuro oo lama yidhaahdo  aduunyadu waxaas ayey samaysaa inaguna aynu samayno, dalku waxa uu ahaa mid talada uu ragu hayn jiray, intan maantuna waa guul inta kalana waa la gaadhi doono, fursadaha noocan ahna in cidhiidhi la galiyo maaha ee waxay u baahan tahay in laysla fahmo, inta loo baahan yahayna way iska iman doontaa.

 

Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.