Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Soo Bandhigay Cida Xalin Karta Dhibaatada Ay Gaystaan Dhalinyarada Gaangiska Ahi


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 22:31:06
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Soo Bandhigay Cida Xalin Karta Dhibaatada Ay Gaystaan Dhalinyarada Gaangiska Ahi

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland Garyaqaan  Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa ka hadlay xalka kaliya ee lagaga gudbi karo dhibaatooyinka ay gaystaan dhalinyarada gaangiska noqotay.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo ka hadlayey kiisaskii sanadkan soo maray ayaa sidoo kale soo bandhigay dhibaatooyinka ay gaystaan dhalinyaradaasi.

Gudoomiyaha Maxkamada sare oo ka hadlaya cida iska leh masuuliyada caruurtan leexatay ayaa waxa uu yidhi “Arimahan caruurta yaryar ee gaangiska ah ama amni darada samaysaa culays weyn ayey qaranka ku haysaa, waxaanan tilmaamayaa in aanay ahayn arin boolisku kaligii wax ka qaban karo,  Dhalinyaradaas leexatay ee yaryar waa inaynu dib u




raacno cida masuulka ka ah inay sidan noqdaan,  waxaana ka masuul ah waalidkii, waxbarashadii ay ahayd inay qaabayso iyo bulshadii, haday tahay wacyi gelintii iyo qaabkan la sheegayo ee ay u nool yihiin ama ay u xiiranayaan waa in laga wacyi geliyaa, bulshadu waxbay isku tabiyaan oo barihii bulshada ayaa shaqaynaya,  fikirka ayaa laysku tabiyaa, maskaxaha ayaana layskaga duulaa,  umado dhan ayaa la qabsadaa iyada oo aan ciidan loo dirin, fikrado ayaana lagu qabsadaa, markaa hadaanad qorshe ka lahayn oo aanu nidaamkii diinta,akhlaaqda, wacyi gelinta iyo waxbarashadu qaabanayn waxay noqonayaan noocan aynu aragno.”

Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay cida xalin karta dhibtan dhalinyaradu gaysanayso waxaanu mar kale yidhi “Haddii la doonayo in la xaliyo masuuliyad wadareed ayaa la leeyahee waa in la sameeyaa jawaab wada jirta oo ah dawlada, hay’addaha amniga,  ururada bulshada, waalidka, masaajidada, culimada, cuqaasha iyo  cida kalaba waa in laga wada qayb qaataa oo la raadiyo waxyaabaha sababaya inay gaangis noqdaan.”

Sidoo kale gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in xadhigu aanu noqon Karin xalka lagu xakameeyo dhalinyarada balse uu yahay mid wakhti gaaban lagu hor istaagayo dhibaatada ay gaysanayaan waxaanu yidhi “Marka ay dadka boobayaan waa la qabanayaa waana la xidhayaa waayo amni daro ayey samaynayaan  oo faashash ayey sitaan xoolihiina way dhacayaan dadkiina way laynayaan markaa jawaab ayaa la samaynayaa taasina waa xal gaaban oo deg deg ah  laakiin maaha xal waara, arintaasna waa in dib loogu noqdo waana masuuliyad ay bulshadu wada leedahay  masuuliyadaasna waa inaynu ka jawaabno si looga baajiyo in caruurtaasi gaangis noqdaan waayo arintaasi magaalooyinka waa weyn oo dhan ayey ka jirtaa sanad walbana way kordhaan.”

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]

Facebook:- Abdirizakk Goud

 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.