Sahal Transport & Logistics Oo Kamid Noqotey Shirkadaha Dadweynaha Rakaabka ahi Kaga Bogsadeen Dhibaatooyinkii Shilalka iyo Cidhiidhiga Safarka


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 01:26:38
Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo u kuur gashey,dhaqdhaqaaqa hurumarka Shirkadaha Gaadiidka iyo qeybaha kala duwan ee Ganacsiga

Hargeysa(HWN)-Shirkada Sahal Transport & Logistics oo kamid ah Shirkadaha Gaadiidka Rakaabka qaada, oo hada mudo laba sano ah jirtey ayaa kamid ah Shirkadaha sida weyn uga hirgaley Somaliland islamarkaana, mudadii ay jireen ku talaabsadey Hurumar la taaban karo,iyo dan sheegasho,ay Bulshada Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Caasimada Hargeysa ukala gooshaa ay kaga maarsadeen nidaam xumaddii lagu rari jirey Baabuurta Rakaabka kuwaas, oo sabi jirey fawdo iyo Shilal joogto ah marka si cidhiidhi ah la isugu dul raro Rakaabka iyo agabkoodaba oo  aan qiyaas laheyn intooda ugu badan Baabuurtii Tog-Wajaale,Gabiley,Boorame iyo Hargeysa ukala qaadi jirey socotada.



529px;" />

Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo u kuur gashey,dhaqdhaqaaqa hurumarka Shirkadaha Gaadiidka iyo qeybaha kala duwan ee Ganacsiga ayaa doorkan kusoo qaadaney Shirkada Sahal Transport & Logistics oo hada mareysaa  meel fiican oo ay mahadiyeen guud ahaanba dadweynaha Rakaabka ah ee ukala goosha Magaalooyinkaasi aynu soo sheegney iyadoo,Shirkaduna Hurumar la taaban karo ka gaadhey,hindisahoodii qaadista  Rakaabka,oo ay hadda ku dareen dadka u gooshaya Magaala Xeebeeda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil iyo Caasimada Hargeysa,waana Shirkadii u horeysay ee Rakaabka ay qaadaan Gudaha Baabuurka inta uu safarka kujiro qofku isticmaali karo adeega internetka ah cabitaan iyo cunitaan iyagoo Xafiisyo Waaweyn oo lagu diiwaan galiyo ka hor inta aanu qofku socdaalka galin ay dadweynuhu ka gostaan Tikidhka iyo Diiwaanka alaabtooda.

“Waxaan kamid ahey dadka maalin walba u socdaala Magaalooyinka Galbeedka aan u badnaado inaan u safro Wajaale iyo Hargeysa,dadka toban iyo dheeraad ayaa la saari jirey baabuur taxi ah kuwa loo yaqaan Mark2 afar qof oo qolka u dambeeya ee Eeyga layidhaa iyo afar Kuraasta dhexe ah iyo laba Xaga hore ah iyo Dirawalka ayaa lasoo rari jirey hadii aanu buuxsamin oo intaa la helna ma dhaqaaqi jirin baabuurku waxaa la isla ildaranaa kaariga inta la Xisaabinayo intuu Shidaalka qaadanayo iyo hawl iyo hawl laakiin imika waanu ka reysanay Shirkadaa Sahal ayaan raacaa inta badan waa illaahay mahadii adigoon dhib dareemin ayaad imaneysaa, dirawalka ayey ka muuqataa in masuuliyadi saaran tahey,taxadirka,dabeecada iyo sida Wanaagsan ee uu Rakaabka ula tacaalayo waxaad dareemaysaa in sharci jiro oo nidaam wanaagsan laguula dhaqmayo sidaasaanu kheyrku kujiraa waanu ku raynay Shirkadan Sahal qof kasta oo  Bulshada kamid ahina wuu isku aaminayaa xataa Madaxda sare ayaa raaci kareysa”Sidaa waxa yidhi Axmed Cabdilaahi oo kamid ah dadka kasoo ganacsada Wajaale iyo Hargeysa oo isagu mar walba ukala goosha Wajaale iyo Hargeysa.

“Imika Berbera Todobaadyadan ayey ka shaqeeyeen waana jid dheer oo 165km ah xaqiiqdii Shirkada Sahal waxey ka turjumeysaa in loogu fikirey sidii ugu habooneyd,adigoon daalaneyn, cabsooneyn oo aan safar dheeri kaa muuqan ayaad nabbed kaga degaysaa Bulshadu wey u baahneyd Basaskan casriga ah ee Sahal awalna wadnahaanu farta ku hayn jirey”Sidaa waxa yidhi Maxamed Yuusuf Rooble oo kamid ah Rakaabka Berbera u raacey Shirkada Sahal.Xafiiskan ay Shirkada Sahal Transport & Logistics ku kordhisey Socdaalka Magaala Xeebeeda Berbera oo la jaan qaadey Sanadka cusub ee 2018ka Waxa uu dad badan u sahley,safarka dheer ee Berbera iyo Caasimada Hargeysa kaas oo aanu qofku dareemayn dhibaato iyo socdaal dheer haseyeeshee, uu si ismoogaan ah ku tagayo kadib marka uu safar raaxo leh ku qaato jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa ee 165KM   ah.

Sikastaba aha ahaatee,mayara Noocyadda Ganacsiga kala duwan ee Hurumar la taaban karo ka sameeyay Ganacsiga ay ka bilaabeen Somaliland taas oo ay Tusaale u tahey Shirkadan Gaadiidka Rakaabka qaada ee Sahal Transport & Logistics,oo ay ikhtiraaceen dhalinyaro kamid ah kuwa dalka ku nool haseyeeshee,aan meel kale ka iman kuwaas oo marka si dhab ah hoos loogu dhaadhaco dedaal dheeraad ah sameeyay mudadii ay bilaabeen maanta iyo halka ay marinayaan taas oo ay sanadkan cusub u gudbeen dhinaca Magaalada Berbera mustaqbalkana laga yaabo in ay dalka kuwada fidaan guud ahaanba Gobolada.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.