Yuusuf Garaad Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyey Xilkaqaadistii Lagu Sameeyay Sheegayna Inaan La Badelin Wasiirka Dibadda


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 04:50:51
Yuusuf Garaad oo Markii Hore u xusey Xilka qaadistiisu in ay ku aheyd mid lama filaan ah,ayaa haddana mar kale sheegay in aan lagu degdegin

Muqdisho(HWN)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed,oo dhawaan xilka laga qaadey ayaa, markii u horeysay si cadho ka muuqato uga Hadley xilka qaadistiisii Xilka Wasaarada Arimaha Dibadda kadib markii uu Xilwareejintii uu ku wareejinayay xilkaasi ka jeediyay hadal ku sahabsan aragtidiisa xilka laga qaadey.

Yuusuf Garaad oo Markii Hore u xusey Xilka qaadistiisu in ay ku aheyd mid lama filaan ah,ayaa haddana mar kale sheegay in aaney marnaba qurux badneyn in lagu degdego in Xilka laga qaado, Wasiirka Arimaha Dibadda,Taliyaha Sirdoonka, Taliyaha Ciidanka, iyo Wasiirka Gaashaandhiga isagoo arintaa si dareen cadho lihi ka muuqato uga hadlaya Waxa uu yidhi.

“Aamina Uhuru ayey lasoo dhameysatey shantiisii sano,waxaanan filayaa una maleynayaa in ay afar ilaa shan Wasiir oo Soomaaliya




ah ay lasoo shaqeysay,Wasiiradda kale ee Gobolka qaarkood inaan anigu ahaa Wasiirkii tobnaad ee soo hor fadhiista ee yidhaa Soomaaliya ayaan Wasiir u ahey Arimaha Dibadeedd, Axmed noqon doono kii Kaw iyo tobnaad qofkaa iyo adigu markaad Shirarka wada tagtaan siduu u yaqaano ama looga yaqaano iyo adigu isku mid ma noqoneysaan waxa uu dalkiisa usoo goyn karo,ama uu ka difaaci karo adigu intaad (Loping)kale ku jirto ayaa laga yaabaa in wakhtigu dhamaado”Ayuu yidhi Yuusuf Garaad.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Wasaaradda Arimaha Dibadda, Taliyaha Nabed-sugidda, Taliyaha Millatariga, Wasiirka Gaashaandhiga lama badello marka hore laguma degdego Magacaabidooda markey meesha qabtaana lama baddelo, Waddanada nala dariska ah ayaad fiirin kartaan 1991kii Wadano isbadel ka dhacey oo Gobolkaana Taliyihii Ciidamada qabtey ayaa haya Wali saw maad garan Dawlladan Taliyihii sadexaad oo aan laba badelnay midna aanu ugu imid ayaan mareynaa Tobankaa bilood ee aan hada joogno”Ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo uu ka Hadley in arimihii ugu waaweynaa ee Soo marey ay kamid ahaayeen go,aankii Dawlladu ka qaadatey arintii khaliijka kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku qancey taladii uu soo jeediyay isagoo carabka ku dhuftey maadaama aaney Soomaaliya xidhiidhka ay la leedahey dal kale loo yeedhin Karin in aaney iyaduna, qaadan in loo yeedhiyo.

Yuusuf Garaad oo hadalkan ka jeediyay Munaasibadii uu xilka ku wareejinayay ayaa, lagu wadaa in Xilka qaadistiisa Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ay, saameyn badan ku yeelato Noloshiisa Dambe maadaama uu si aad ah u hibateeyay, arimaha loo cuskadey ay kamid ahaayeen, in aaney beesha uu kasoo jeedaa raali ka aheyn mansabka Siyaasiga ah ee uu ku fadhiyo,sabatoo ah in Soomaaliya nidaam qabyaaladeed ku qeybsato saamiga Xilalka iyo Kuraasta Xukuumadda.

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.