Hab Fikirka Wanagsan


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 07:51:43
qof kasta waxa ku dhashaa hab fikir wanagsa, laakiin waxa bedela deegaanka uu ku nool yahay ee uu la fal galayo qof kasata ama u la dhaqmaayo.

Hab fikirka wanaagsan:

waxa suura gal ah in qof waliba aragti fiican ka qaato duruufaha caadiga ah. lakin awoodda shaqsiyadeed ee dhabta ahi waxay soo baxdaa marka aad la kulanto dhibaatooyinka aduunka ee kala duwan iyo sida ugu haboon ee aad u xasiliso 
 
qof kasta waxa ku dhashaa hab fikir wanagsa, laakiin waxa bedela deegaanka uu ku nool yahay ee uu la fal galayo qof kasata ama u la dhaqmaayo.

Marka Laga Hadlayo Fikirka Waxaa




Loo Kala Saaraa Labo Qaybood Oo Kala Ah.

1.Fikirka Togan.

2.Fikirka Taban.

Fikirka Togani Waa Fikirka Saliimka Ah Ee Mar Walba Kugu Haga Wadada Wanaagsan, Kuna Dareensiiya Qaladaadkaaga Si Aad Uga Feejignaatid Ama Aadan Ugu Sii Socon, Waana Fikirka Mar Walba Guushaada Hagaha Ka Ah.

Fikirka Tabani Waa Midka Mar Walba Kugu Dhiirigeliya Qaladaadkaaga, Isaga Oo Kaaga Dhigaya Mid Saxa.

Fikirkaagu Waxa Uu Mar Walba Awood U Yeelan Karaa Qaabaynta Noloshaada Adiga Oo Ku Sifoobaya Hadba Nooca Fikirkaagu Uu Yahay, Sababtoo Ah Fikirka Ama Caqligu Waa Hagaha Noloshaada.

waxa yabaha sameeya hab fikirka wanagsan
  1. deegaanka 
  2. khibrada 
  3. waxbarashada
  1. deegaanka 
deegaanka inagu xeeran hab firka qofka saamayn bu ku yeesha deegaanku waxa ka kooban yahay wax yabaha soo socd.
  • guri gurigu waa meesha qof ku qaato noloshiisa waqtiga ugu badan .
  • shaqada waa goo bta saamayn wayn ku yeelan karta hab fikirkaga
  • diinta alle ayaa mahad leh SWC ina siiyay diintii saxda ahayd oo manta ku naaloonayno, diinata qofku aaminsan yahay waxa qayb ka tahay hab fikirkiisa.
faaiidooyinka hab firka wanagsan
  1. waxa lagu gaadha hab fikirka wanagsan guusha aad donayso inad gaadho.
  2. waxa xaliya hab fikirka wanagsan dhibatooyinka qofka haysta.
  3. hab fikirka wanagsan waxa u yeereya (stress) ama isku buuqa.
  4. qofka leh hab fiki wanagsan waxa dareema deganan iyo xasilooni jidh ahaan iyo caqli ahaan ba.
W/Q; ibraahim IID maxamed  (Dad_dhis)
 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.