Hargaysa(HWN):-Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ayaa maanta tababar u furtay shaqaalaha ka shaqaynaya tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda
Kulankan oo saaka ka qabsoomay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda waxa si qoto dheer loogaga hadlay hannaanka hufan ee loo mari karo tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda ,iyadoo laga baaran-degay sida looga gaashaaman karo qof walba oo magac ama mansab aanu lahayn sheegta oo ka tirsan shaqaalaha dawlada.
Sidoo kale waxa kulankan si aada loogu lafa-guray
isla-markaana lagu tababaray shaqaalahan farsoomiiyinka feejigan ee ay u mari karaan helida xogta kaasoo leh u fiirsi iyo faham dheeraad ah.
Kulanka maanta lagu qabtay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawaladda ayaa daba socda kulamo dardar gelin iyo diyaar garow hay’adda shaqaalaha dawladdu ugu jirto hawl-qabadkan culus ayaa u muuqdo mid loo marayo talaabooyin is xig xiga oo ay ka muuqato xirfad iyo waayo-aragnimo dheeri ah
Hadhwanaagnews/Office
Hargaysa/Somaliland
[email protected]