Dawllada Itoobiya Oo Ismaamulka Soomaalidu Wehelinayo iyo Jabhada ONLF Oo Kiiniya Wadahadal Uga Furmayo Markii Labaad


(Hadhwanaagnews) Monday, February 12, 2018 23:23:49
Wada xaajoodkan labada dhinac,Dawllada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ee is maamulka Soomaalida Itoobiya kililka shanaad qeyb ka yahey

Nairopi(HWN)-Saraakiil Sarsare oo ka socda Dawllada Federaalka Itoobiya,iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,ayaa ka qeyb galey wada xaajood rasmi oo ay Jabahada ONLF kula qaadanayaan Dalkaasi kiiniya Xaruntiisa Nayroobi.

Wada xaajoodkan labada dhinac,Dawllada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ee is maamulka Soomaalida Itoobiya kililka shanaad qeyb ka yahey,ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo ay ku kulmaan kadib markii uu natiijo la,aan ku dhamaadey kulankii ay wada qaateen sanadii 2012kii maadaama jabhada Onlf oo mudo dagaal kula jirtey Dalkaasi Itoobiya, ay ogolaadeen in xal lagu dhameeyo dagaalka iyadoo arimaha ugu waaweyn ee laga wada hadlayaa yihiin sidii xabad joojin loo sameyn lahaa islamarkaana, colaada loogaga gudbi lahaa waji kale.



460px;" />

Madaxweynaha Dawllad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar,iyo saraakiil sarsare oo katirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka ayaa dhinaca Dawllada Itoobiya uga qeyb galey wada xaajoodkan,iyadoo Dawllada Kiiniya qeyb ka tahey gogoshana fidisey maadaama ay ka hawlgaleen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kiiniya oo Soomaali ahi,iyadoo dagaalka Jabhada Onlf kula jirtey dalka Itoobiya ay ku naf waayeen dad tira badan oo kasoo jeeda Ogaadeeniya kuwa kale oo badanina ku ceydhoobeen kuwa kalena Xabsiyo ku muteysteen.

Wada xaajoodkan, labada dhinac oo siweyn isha loogu hayo,ayaa lagu wadaa in uu ka duwanaan doono kii hore.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.