Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 07:19:26
Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh

Waxaa lawada ogyahay in adduunku la yaabay sawirada iyo farshaxanka ku xardhan Buurta Laas Geel  kadib markii loo soo bandhigay muddo 10 sano wax  kayar laga joogo. Waxaa lagu qiyaasay aathartaas naadirka ah inay jirto 8 ilaa 10 kun oo sano, muuqaalka sawirada iyo farshaxankoodana la moodo in dhowaan  la sameeyey.  Laas Geel waxay suurta gelisay inay Somaliland kaalin hore ka gasho kaydka taariikhda ee Bani Aadanka iyo adduunyadaba.

Iyana maxaa laga yaqaan dhagaxa laga qaaday degaanka Jaleelo 122 sano ka hor?

Waxaa jirey nin la yidhaahdo  Hayward Walter Seton-Karr oo la socdey askartii isticmaarka Ingiriiska oo yimi Somaliland sanadkii 1896 kii. Inkasta oo uuna  ka tirsanayn waqtigaas askarta Ingiriska wuxuuse hore




u ahaan jirey askari , meela bandanna adduunka wuu soo maray. Wuxuuse noloshiisa dambe u leexday dhulmar iyo ugaadhsi weliba Afrika .

Wuxuu yimi Somaliland  sanadkii 1896 kii,isla sanadkaas ayuu  ugaadhsi ugu ambabaxay Berbera iyo Hargeysa dhexdooda, wuxuu tegay degaanka Jaleelo oo uu ugaadhsigii ka bilaabay. Wuxuu ku dhaadhacay togga mara degaankaas.
Wuxuu toggii ku arkay dhagaxaan la xardhay oo la fiiqay sidii hub ahaan oo kale oo gacanta lagu qaato ama (hand axe). Dhagaxaantii oo ilaa 10 ahaa ayuu ururiyey wuxuuna geeyey waddanka  Ingiriska, kadib wuxuu   tusay nin ku takhasusay aatharta qadiimiga ah oo la yidhaahdo  John Evans. Markuu eegay oo diraasadeeyey  kadib wuxuu ogaaday in dhagaxaantu dadkii hore hubkooda ahaayeen ama ku ugadhsan jireen  waqti laga joogo  ilaa mudo laga joogo  1 malyan oo sanona la isticmali jirey Waxaa lala yaabay dhagaxaantaas kuwo aan laga garan  oo iyana  laga helay waddanka Faransiiska (France) laakiin ka da’ yar. Waxay dhagaxaantii Somaliland laga keenay abuureen dood cilmiyeed  dhexmartay culimada ku takhasusay cilmiga aathaarta ( archeology)  , waxaana sii caddaatay in Bani Aadanku ka yimi Afrika weliba Geeska Afrika, xidhiidh  isu socod ahna ka dhexayn jirey adduunka  kadib markii la eegay isu ekaanta dhagaxa lagu ugaadhsado ee  laga helay Somaliland iyo kuwa laga helay wadanka Faransiiska.  Waxaa lagu qiyaasay dhagaxaanta laga helay Somaliland ilaa 40 kun oo sano inay ugu yaraan jiraan, halka  aathaarta Laas Geel lagu qiyaaso ilaa 10 kun oo sano.

Ninkii dhagaxaanta hubka loo isticmaalo helay wuxuu helay abaal marin caalami ah, ahmiyadda ay leeyihiin awgeed, waxaana loo soo bandhigay carwo ahaan mutxafyo (museums)  caalami ah sida ka London oo kale ‘ British Museum’. Sanadkii 1897 wuxuu 8 ka mid ah dhagaxaantii kaga bedeshay mutxafka caalamiga ah ee la yidhaahdo ‘Australian Museum’ ee ku yaalla  magaalada Sydney ee waddanka Australia aathaar qadiimi ah oo mutxafkasu hayey, welina waxay yaallaan dhagaxaanta Somaliland  laga keenay mutxafkaas, waxayna ka mid yihiin waxyaalaha ugu muhiimsan ee uu ku faano.

Gabagabdii, waxay arrintanu diiradda saaraysaa ina  jiraan waxyaalo badan oo Somaliland laga qaaday oo aan la ogayn.

Halkan waxaad ka arki kartaan war  ku saabsan arintaas iyo sawirada dhagaxaanta ( hand axe) , waxaa ku qoran Somaliland dhagaxanta. Cinwaanku wuxuu tilmaamaya dhagaxaanta Somaliland laga keenay iyo asal ahaan in Afrika laga soo jeedo.

https://australianmuseum.net.au/hand-axes-from-somalia-and-our-african-origin

Wabillahi tawfiiq

Maxamuud Ismaaciil Barreh

UK

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.