SAYMAHA SOOHAN: Gorfeynta Maanso Gaaban. Curintii Jamal A. Muse


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 07:25:02
SAYMAHA SOOHAN: Gorfeynta Maanso Gaaban. Curintii Jamal A. Muse

Suugaantu waa hal cabbirka ugu wanaagsan ee wax ay ku gudbiyaan dadka aan ka dhashay ee midabkooda asalka ahi yahay mas-ciideed dhallaal badan, sidaa awgeed, bal aan maansadan gaaban  ku cabbiro fogaan sheegga iyo falanqeynta saymaha soohan iyo mareegaha dunida:

 • Dunidu mar maaha Gaabsi,

• Gabbaadkiyo maaha hoyga,

• Guddoonkiyo awga maaha,

• Gammaankiyo Cawsha deeran...

• Guunyo xad maaha tuugo,

• Gadh-wayn iyo maaha cuudka,

• Sabaax iyo garande maaha,

• Kol gaadhi kaxayso maaha.

• Ilkuhu gaws kaliya maaha,

• Irdho guluf iyo col maaha,

• Tubtii geerida mar maaha,

• Guhaadaw weli nus maaha,

• Nacayb sii




giigsan maaha,

• Siyaasaddu maaha gooha,

• Waxaa jira garabyo hoose....

• Gorfeyntuna maaha yeelmo,

• Xil iyo guri wayn hel maaha,

• Gamuun wayn iyo ul maaha,

• Gantaal tayeysan maaha,

• Gumucu rasaasta maaha,

• Ninkii fahmaa gardaadsha,

• Kobtay gobanimadu taallo,

• Tubtaa garashaa malaysa,

• Wixii galbadoo sidaasa,

• Haday naftu kaa gurmayso,

• Ha gocan utintee adkayso.....

• Darkii geesigu dhisiyo,

• Gankii Nin rageed lahaa,

• Mar baa nacas gaatiyaa,

• Kuwii gunufaagu dhalay,

• Gurtaan midhihii dihnaa,

• Kab bayse ahaan Garaad,

• Hadhaw noo taal gar-diid,

• Ninkii ma galaa ma gude,

• Midkii godlanaa doraad,

• Hadduu kaa gudhay hadeer,

• Dacwadda guurtida u gee,

• Gadaalna ka filo wax wayn....

• Goortii ummadnimo jirtee,

• Talada xeer-beegti goyn,

• Ayuu gadhcaddaa tashaa,

• Guddoonka la beegsadaa,

• Markuu kii garan lahaa,

• Runtii guul maanac yahay,

• In gaab arag kaa dadyaw,

• Giraanta ordaysa qaban,

• Markay gubatana ka degi,

• Dabkana mu'min baa ku guban,

• Wuxuu guuguule odhan,

• Waxaa gardaran miskiin,

• Halkaasaa lagu gablami.....

• Wuxuu gabgablaha ku yidhi,

• Waxaan ahay geesi qaran,

• Annaa geyigaba dhammaan,

• Arlada goosiga ka cunna,

• Anigu ma gud baan ahaa,

• Goor kale haldoor nin wayn,

• Garsooraha waxan mar ahay,

• Talada la yidhaa gorfee,

• Miyaad ila wadi geddaa?.

• Miyaad gabayada taqaan?,

• Geeraarkiyo heeso shilis,

• Miyaad gadhwadeen ka tahay?,

• Godkaan dego lama dagee,

• Dadkuun soo daba guclee....

• Ilayn gool baan dhashoo,

• Indheer garad maba rabee,

• Gubtaan iyo waa dabayl,

• Aqoon kuu garabsadee,

• Garoonka baydh ka joog,

• Adigu geeddaha daryeel,

• Gardhaalaha sii macnee,

• Haweenka garayska iyo,

• U qaad googarada oo,

• Gunaadka dawee dabiib.....

Dhamaad.

Jamal A. Muse

Hargeysa Somaliland

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.