'' Kaftanka maanta, Sheekaddii Madaxwaynayaasha '' W/Q Axmednuur Guruje


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 13:03:12
'' Kaftanka maanta, Sheekaddii Madaxwaynayaasha '' W/Q Axmednuur Guruje

Barnaamijkeena kaftanka maantu wuxuu ku saabsan yahay sheeko mala awaala oo dhex martay , Madaxwayne Muuse Biixi iyo madaxwaynayaashii horre , waxaanay u dhacday sidan soo socota :-

C/raxmaan tuur .

Madaxwayne muusoow ,

Helloow helloow ma ma i maqlaysaa .

Haa waan ku maqlaa .

Marka horre bariidiyo ,
iga hanno salaan mudan .

marka xigana garashada ,
aan kuu macneeyee ,
waxan ahay masuulkii ,
madaxwaynihii horre ,
Iyo madanihii shalay ,

Maantana xabaashiyo ,
Aduunyadda muskeediyo ,
meel fog kaaga yimiyoo ,
maandhe soo war doon tagay .

Muuse ,

alla waa masuulkii ,




/> Halgankii murkuu shalay ,
galay meel cidhiidhiya ,
gobinamadda moojiyo ,
madaxwaynihii shalay ,
mawdku nagga xambaaraye ,
Abti mudanahaygoow ,
soo dhawoow marlay kale .

C/raxmaan .

Adeeroow ku mahadsanid ,
milgihiyo salaantiyo ,
sharaftiyo marwaadkee ,
midhse aan ku toydee .

Daraad maamulkaygii ,
Isagoo mujo ahaa ,
dalna yahay midkii dumay ,
dadna wadda madluun yahay .

waadigii ka maagee ,
maalmo badan na xiijee ,
kolba muhindiskaygii ,
macne li ku sheegee ,
naggu maadsanayee .

adna maanta waadigan ,
masalaha ku jooggee ,
Dadku mood ma siman yahay ?
Dhulka dahab ma wadhan yahay ,
Malab iyo lis caanood ,
Dooxyada ma marayaan ?

Qaranimo mug-wayniyo ,
Ictiraaf ma haysaa 
Ma hesheen aqoonsiga ,
Dawladuhu ka maageen ?

Waa maalmo duniduye ,
ma dhadhimsay midhihii ,
ma macaantahay xaajaddu ,
maxaad sheeko haysaa ?

Muuse .

Adeer maalmihii shalay ,
Nin yar oo mutaxanoo ,
meesha dheer arkayn iyo ,
Da yaraan ku magacoow .

Marka xigga badwayn iyo ,
waxa aanu maraynaa ,
weli meelo dhaadheer .

Ictiraaf muu iman ,
Malab iyo labeen iyo ,
Dahab meel ha joogee ,
Biyo maleh Hargaysiba ,

Miyigana abaaraha ,
malaa waad maqlaysaa ,
Mahadhadda ka jogtoo ,
Mucsur weeyu reeruhu .

Ana muhindiskaygii ,
Mitid weeye raganimo ,
Tallo waa mutuxan tahay ,
Mawliha ilaah baan ,
magantiisa joognaa .

M I Cigaal .

Halloow , haloow ,
Madaxwayne muusoow ma adeer ma i maqlaysaa ?

Muuse ,

Haa waan ku maqlaa ,

M I Cigaal ,

Marka horre bariidiyo ,
iga hanno salaan mudan ,
marka xigga cigaal ,
maandhe weeye hadalkuye ,
hagaag ma ii maqlaysaa .

Muuse ,

Mudanoow cigaaloow ,
Madaxwaynihiiyoow ,
Halyeeygii majiiraha ,
Meesha roon na mariyoow ,
marxabaan ku leeyahay .

M I Cigaal ,

Madaxwayne muusoow ,
Masaftaan toltoliyiyo ,
Meeriskaan shalay waaday ,

waadigii mudmudayee ,
Miidayaha jeclaayee ,
Hadal miidhan doodaha ,
meelaha ku qorayee ,
naggu maagi jirey hadal ,
marna aan dhamaanine .

Waadigan miscirirtii ,
adna maanta joogee ,
Ma i dhaamaysaa tallo ,
Dayax meera samadiyo ,
Minawaar ma diraysaa ?

Dadka maal ma simaysaa ,
Dhulka dheeman muuqliyo ,
Dahab mudan ma dhigaysaa ?

Dawladaadu magaciyo ,
Milgihiyo tilmaamaha ,
Maraykaan ma dhaaftaa

Waa maalmo duniduye ,
ma dhadhamisay midhihii ,
ma macaantay xaajadu ,
maxaad sheeko haysaa ?

Muuse ,

Adeer miridhyar ka horoow ,
Murtidaadan oo kale ,
Cabdi baa madiixaye ,
Adiguna ma igu tidhi .

Shalay maalmihi tegay ,
hadaan maanta garan laa ,
meeshan aydin joogteen ,
marna idinma maageen ,
maalin kuma canaanteen ,
mantana majiiraha ,
in aan mawligu igu qadin ,
duco mudane igu dhaaf ,
doodna ha igu sii mudan ,
garashana mugaagiyo ,
meesha waad u jeedaa ,
Maxaan kaaga sheegaa .

La soco .

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.