Sixirbararku Suuqiyo, Sayladii Haduu Xidhay, Siduu Doono Yeela, (Swt) Saatirkun Talaw Daa.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 07:21:03
Saaxishii La Iibshiyo, Saldhigii Maxa Helay, Sonkor Iyo Bariisiyo, Amaaha Mayna Siiyaan

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (S.C.W.R.W.B.)
SALAANTAAS ISLAAMKA KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA.
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-SIXIRBARARKU SUUQIYO,SAYLADII HADUU XIDHAY,

   SARIFKIINA SII KACAY,SALKA AANU DHIGAHAYN,

   SEBIGIYO SABOOLKII,SAD LA’AAN BAKHTIYAYAN,

   SABABTANA LA GARANEYN,SIDEE BAYNU YEELA,

 

2-SALUUG WAA SAHALE,SOORTII LA GOYN WAA,

   SEBENADANA XOOLIHI,MAY AHAYN SIDOODII,

   SUCUDIGOYNA DIIDIYO,ABAARAYNA SANYADAY,

   KA SALGUURAY BEERANA,SIDEE LOOBA NOOLAN.

 

3-SAAXISHII LA IIBSHIYO,SALDHIGII MAXA HELAY,

    SONKOR IYO BARIISIYO,AMAAHA MAYNA SIIYAAN,

    SAXA MARKAYNU KEENEE,SIDIGTEENA MAALAA,

    LOO CELIN SADKOODOO,LOOGU DARI SIYAADEE.

  

4-SIYAASADENA QARANKUNA,SI AY TAHAYBA MOOYAN,

   WELI WAY SIRGACANTO,SARARNSEER KAMAY BIXIN,

   SAMIR DAACAD WAAIYO.SAADAALIYO WANAAG FILO,

    SIDUU DOONO YEELA,(SWT)SAATIRKUN TALAW DAA.

                 ISMAIL




ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.